Nairobi (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.
Kulanka Wasiirka iyo Safiirrada iyo Wakiilada ayaa looga wadahadlay arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya iyo dameystirka qorshaha deyn cafinta oo haatan maraya heerkiisii ugu dambeeyay.
Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa kala hadlay madaxdii uu maanta la kulmay sidii Dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxiibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.