Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaas oo ay uga qeyb gelayaan meertada 39aad ee golaha Cadaaladda ururka jaamacadda Carabta.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalin Guur), la taliyaha koowad ee safaaradda, Cabdifataax Sheekh Axmed, xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Cadaalladda Ciraaq iyo masโuuliyiin kale ayaa soo dhoweeyay waddiga uu wasiir Xasan Macallim hoggaaminayo oo xalay goor dambe gaaray magaalada Baqdaad.
Shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta oo furmaya maalinta berri ah ayaa looga hadlayaa arrima muhiim u ah ururka jaamacadda Carabta iyo Caalamaka, oo ay kamid tahay la dagaalanka argagaxisada iyo horumarinta cadaaladda iyo garsoorka.
Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa inta uu Ciraaq u joogo shirka waxuu kulamo doceedyo la qaadanayaa wasiirrada dhigiisa ah ee shirka ka qeyb gelaya.