Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo si rasmi u daahfurtay xarunta kormeerka hirarka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo si rasmi u daahfurtay xarunta kormeerka hirarka
GanacsigaGudahaWararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo si rasmi u daahfurtay xarunta kormeerka hirarka

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 9, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay xarunta hawlaha kormeerka hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.

Munaasabadda lagu daahfurayay xaruntan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Maareeye ku xigeenka guud ee Hay’adda iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo ka hadlay muhiimadda ay Xarunta Kormeerka Hirarka u leedahay fududaynta kobaca iyo horumarinta isgaarsiinta, isagoo yiri, “Daahfurka Xarunta Kormeerka Hirarka waa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo himiladeena la xiriirta qaran dhijitaal ahaan isku-xiran. Xaruntani waxay kor u qaadi doontaa awoodaha maamulka hirarka, taasoo horseedi doonta horumarinta tayada adeegga, kororka hal-abuurka iyo kor-u-qaadista tartanka Isgaarsiinta.”

Sidoo kale Mareeyaha Hay’adda oo ka hadlay furitaanka Xarunta Kormeerka Hirarka, ayaa yiri “Xaruntan waxay wax badan ka beddeli doontaa la-socodka iyo maareynta kheyraadka hirarka dalkeena. Iyadoo si xawli ah loo ballaarinayo kaabayaasha isgaarsiinta dalka iyo kororka teknolajiyada aan xargaha lahayn (wireless), waxaa muhiim ah kormeerka hirarka si loo xaqiijiyo in adeegyada isgaarsiinta aysan kala-gpo’ yeelanin, isla markaana looga hortago isdhaxgalka hirarka, taas oo ugu dambeyn horseedeysa in sare loo qaado tayada adeegyada la siiyo macaamiisha.”

Daahfurka xarunta waxay astaan u tahay dadaalka joogtada ah ee HIQ ee kor loogu qaadayo awoodaha maaraynta hirarka iyo hubinta in muwaadiniintu ay helaan adeegyo isgaarsiineed oo aan kala-go’ lahayn. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi,…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Munaasabado lagu xusayay maalinta macallinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay gudaha dalka

Munaasabadda xuska 46 sano guuradii kasoo wareegtay maalinta macalinka soomaaliyeed ee 21 Novembar ayaa maanta waxaa magaalada Gaalkacyo uga qeyb…

Wararka
November 21, 2020

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee…

Gudaha
January 7, 2023

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Madaxweynaha dalka Ciraaq

Baqdaad (SONNA): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha…

GudahaSiyaasaddaWararka
July 8, 2024

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku ridday sagaal Shabaab oo ay ku jirto ruux haween ah

Muqdisho.(SONNA)...Maxkamada Ciidamada Qalabka sidas ayaa xukunno kala duwan ku ridday sagaal uux oo lagu soo eedeeyay in ay ka mid…

Wararka
November 5, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023