Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli.
Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa marka hore Danjiraha uga tacsiyeeyay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Magalada Ankara.
Sidoo kale kulanka Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa looga hadlay taageerada Baarlamaanka Soomaaliya, xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga.
Ugu dambeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ammaanay doorka Dowladda Turkiga ka qaadato ladagaalanka argagaxisada.