Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub
    July 22, 2025
    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo iska diiwaangeliyay Baydhabo
    July 22, 2025
    Howlwadeenno ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsi muhiim ah
    July 22, 2025
    Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay
    July 22, 2025
    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaaraysay duullaanka uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Balad Xaawo
    July 22, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dowladda oo warbixin kasoo saartay howl galladii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo Hirshabeelle looga xoreynayo Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda oo warbixin kasoo saartay howl galladii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo Hirshabeelle looga xoreynayo Khawaarijta
GudahaWararka

Dowladda oo warbixin kasoo saartay howl galladii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo Hirshabeelle looga xoreynayo Khawaarijta

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 4, 2023
5 Min Read
Share

Akhriso; Tirada, Magacyada iyo Xilalka, horjoogeyaasha Khawaarijta ah ee lagu dilay, lagu dhaawacay, inta isa soo dhiibtay iyo kuwa baxsadka ah ee hawlgalladii u dambeeyay ee Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo labadii bil ee u dambeysay si qorsheysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaaleysan jirtay deegaannadaas.

Dagaallo toos ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo Khawaarijta jab xoog leh gaarsiiyay ayay dowladdu sameysay labadii bil lasoo dhaafay, ilaa 19 Horjooge ayaa lagu khaarijiyay dagaallada ka socda dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Haddaba halkan waxa aan kusoo gudbineynaa xogta Horjoogeyaasha lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay, kuwa la dhaawacay, inta isi soo dhiibtay iyo kuwa baxsadka ah.

Horjoogeyaasha lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay duqeymaha iyo dagaallada tooska ah ee ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug, magacyada iyo xilalka:

  1. Horjooge Khaliif Gaambe waa dhaawac, waxa uu ahaa horjoogaha ugu sarreeyay jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
  2. Horjooge Salaad Cai Geeddi waa la dilay, waxa uu ahaa ku xigeenkii Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
  3. Horjooge Olol Cali Guuleed waa la dilay, waxa uu ahaa Abaanduulihii Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
  4. Horjooge Maxamuud Bashiir Muuse waa la dilay, waxa uu ahaa Madaxii Jabhadaha Khawaarijta ee gobolka Mudug.
  5. Horjooge Shuuke Cali Dheeg waa la dilay, waxa uu ahaa Kuxigeenkii Abanduulaha Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
  6. Horjooge Ciise Barre waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug.
  7. Horjooge Xasan waa la dilay, waa uu ahaa horjoogihii waxa ay ugu yeeraan fursaanta ee ka hawlgali jiray Galmudug.
  8. Horjooge Maslax waa dilay, waxa uu ahaa horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug.

Horjoogeyaasha lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay duqeymaha iyo dagaallada tooska ah ee ka dhacay dowlad Goboleedka Hirshabelle, magacyada iyo xilalka.

  1. Horjooge Cabdullaahi Ciilow waa la dilay, waxa uu ahaa kuxigeenkii Jabhadaha Khawaarijta ee hawlgali jiray Hirshabelle.
  2. Horjooge Casood waa la dilay, waxa uu ahaa ninka leh awoodda 3aad ee Jabhadaha Khawaarijta ee ka hawlgalayay Hirshabelle.
  3. Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax (Madoobe) waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii Qaraxyada Khawaarijta ee Hirshabelle.
  4. Horjooge Saylici waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii Warbaahinta Khawaarijta ee Hirshabelle.
  5. Horjooge Bagaax waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii weerarada arbushaadda Khawaarijta ee Hirshabelle.
  6. Horjooge dabaashe waa la dilay, waxa uu ahaa Horjooge kooxeed ka hawlgalayay Hirshabelle.
  7. Horjooge Sheekh Cabdi waa la dilay, waxa uu ahaa horjoogihii waxa ay ugu yeeraan fursaanta ee ka hawlgalayay gobolka Hiiraan.
  8. Horjooge Muhaajir waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii maaliyadda gobolka Hiiraan.
  9. Horjooge Axmad Maxamed (Xerow ama Nadiir) waa dilay, waxa uu ahaa horjoogihii Maleeshiyadka gurmadka Khawaarijta ee Hirshabelle.
  10. Horjooge Shucayb waa la dilay, waxa uu ahaa horjoogihii dabagalka maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha Khawaarijta ee Hirshabelle.
  11. Horjooge Yoonis (Shaafici) waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge Kooxeed ka hawlgali jiray Hirshabelle.
  12. Horjooge Cabdijabbaar waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge Kooxeed ka hawlgali jiray Hirshabelle.

Horjoogeyaasha isa soo dhiibay Galmudug iyo Hirshabelle.

  1. Horjooge Nuur Deeq waxa uu ahaa ninka leh awoodda 3aad Khawaarijta ka sugneed Galmudug, waa uu isi soo dhiibay.
  2. Yuusuf Gaab waxa uu ahaa horjooge Jabhadeed ka hawlgali jiray Galmudug, waa uu isi soo dhiibay.
  3. Nuur Gacal waxa uu ahaa horjooge Jabhadeed ka hawlgali jiray Hirshabelle, waa uu isi soo dhiibay.

Horjoogeyaasha Baxsadka ah ee ku dhuumaaleysanaya Hirshabelle.

  1. Horjooge Xasan Nuur waa baxsad, waa madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Sh.dhexe.
  2. Horjooge Yuusuf Cali Ugaas waa baxsad, waa madaxa gobolka Hiiran ee Khawaarijta.
  3. Horjooge Nuur Macaloow waa baxsad, waa ku xigeenka madaxa Khawaarijta ee gobolka Hiiraan.
  4. Horjooge Mad Gaab waa baxsad, waa horjooge Kooxeed ka hawlgala gobolka Hiiraan.
  5. Horjooge Yuusuf waa baxsad, waa horjooge Kooxeed ka hawlgala gobolka Hiiraan.

Horjoogeyaasha Baxsadka ah ee ku dhuumaaleysanaya Galmudug.

  1. Horjooge Mara-Cadde waa baxsad, waa ku xigeenka madaxa gobolka Galgaduud ee Khawaarijta.
  2. Horjooge Nuunuule waa baxsad, waxa uu ka mid yahay horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta gobolka Mudug.

Beegsiga lagu laayay inta badan horjoogeyaashii Khawaarijta waxaa sii dheer Kun lix boqol iyo konton (1650) Maleeshiyo ah oo lagu dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug iyo Hirshabelle halka dhaawacuna kor u dhaafay 550 oo malleeshiyo ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow iyo wafdi uu…

July 22, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulan Looga Hadlay Doorashada Midowga Africa ee 2025

Addis ababa(SONNA):-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa  ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga…

GudahaWararka
March 16, 2024

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qudbad ka jeediyay shirka 8-aad ee wax soosaarka iyo dhaqaalaha isboortiga

Beijing –(SONNA)-Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kulane ayaa xarunta Beijing Olympic Park - National Tennis Center ee…

GudahaWararka
April 11, 2023

Ciidamada xoogga dalka oo deegaanno hor leh kala wareegay Khawaarijta Al-shabaab

Muqdisho.(SONNA): Howlgal uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta ka billoowday deegaanno dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee…

GudahaWararka
April 5, 2023

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Dherkeenley

Muqdisho (SONNA): Hay'adda NIRA ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jartay Xarunta cusub ee Hay'addu ku yeelanayso degmada Dharkeenley…

GudahaWararka
February 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023