Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir dowlaha arrimaha dibadda oo la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Aljeeriya
    December 1, 2025
    Guddiga warfaafinta golaha shacabka oo kormeeray wasaaradda warfaafinta
    December 1, 2025
    Guddoomiyaha degmada Hodon oo ku baaqay in la qaato Kaarka codbixinta
    December 1, 2025
    Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar
    December 1, 2025
    Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika
    December 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: September 27, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Djibouti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isla markaana ka wadahadley iskaashiga milateri ee labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga tababbarada ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kalana hadley arrimaha hawlgalada milatari ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay shuhadadii ku naf waayey qaraxii argagixisonimo ee ka dhacay magaalada Beled Weyne, sheegayna in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta Al Shabab.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada New York.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Comoros, Mudane Azali Assoumani.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

9- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka, waxaana uu warbixin ka siiyey marxaladda dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullah Bin Zayen Al Nahyan, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

11- Guddoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamayey jagooyin kaaliyenimo oo ka banaan hay’adaha garsoorka ee dalka.

12- Ra’iisul wasaare Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Shirweynaha dib u qaabeynta Waxbarashadda oo soo qaban qaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa booqday guriga qoyska sarkaal Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa askarigii is hortaagey gaari qaraxyo wadey oo la doonayey in lagu weeraro guri uu ku sugnaa Madaxweyne Qoorqoor.

14- Wasiirada Arrimaha Gudaha, Kalluumaysiga ee Soomaaliya iyo xildhibaano ayaa kormeer dhiirigalin ah ugu tagay Ciidanka Qalabka Sida ee la dagaalamaya Khawaarijta Al Shabaab.
15- Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee fududeynta deyn cafinta Soomaaliya.

16- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika Naledi Pandor .

17- Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee Qaramada Midoobay.

18- Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abshir Cumar Jaamac oo New York kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Serbia.

19- Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ( Beenebeene) ayaa magaalada New York kula kulmay Ku-Xigeenka Agaasimaha Fulinta ee WFP Carl Skau.

20- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta nabadda aduunka oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda faraca magaalada Muqdisho.

21- Ciidanka Qalabka ayaa hawlgal milateri ka fuliyay degaanka Shabeellow ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

22- Xasan Xuseen Cali (Maxamed Deeq) iyo Deerow Macallin Ibraahim (Idiris) oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

23- Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo lagu soo bandhigay horumarka hannaanka dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

24- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhulka laga xoreeyay Khawaarijta ka waddo qorshayaal lagu soo nooleynayo adeegyadii bulshada laguna xoojinayo xasilinta.

25- Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan khudbad ka jeediyey Shir duceedka heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka cudurka qaaxada oo lagu qabtey magaaada New York.

26- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii ay ku dhaawacmey qaraxyadii Khawaarijta ka geysteen magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

27- Madaxweyne Ku-Xgeenka Galmudug Mudane Cali Ciid ayaa guddoomiyay shir looga hadlay dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.

28- Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa qabatay kulan degdeg ah oo looga hadlayey u diyaargarowga iyo ka jawaab-bixinta khatar ka imaan karta El Niño.

 

==DHAMMAAD===

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiir dowlaha arrimaha dibadda oo la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Aljeeriya

Aljeris (SONNA): Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga ka dhexeeya…

December 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka amniga gobolka Banaadir oo looga hadlay furidta waddooyinka iyo arrimo kale

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda oo…

GudahaWararka
January 6, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Gambia kaga qeybgalay kulan hordhac u ah Shir madaxeedka Islaamka

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay kulan laba cisho ah oo loogu…

Gudaha
May 3, 2024

kulan looga hadlayay xalka colaadaha Gobolka Mudug oo Gaalkacyo lagu qabtay+Sawirro

Muqdisho (SONNA)-Dood wadaagaan oo ahaa mid looga Hadlayay sida xal-waara looga gaari lahaa colaadaha kusoo laa laabta deegaanada gobalka Mudug…

Wararka
June 17, 2020

Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo bilaabay in ay Gobolada dalka u kala diraan sahaydii gurmadka Abaaraha ee ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan gaarsiiyey…

GudahaWararka
January 11, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023