Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 25, 2025
    Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul
    July 25, 2025
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku soo qaaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole
    July 25, 2025
    Wasaaradda Amniga XFS oo cambaaraysay daadinta Dhiigga Dadka Soomaaliyeed ee uu sii wado Eedaysane Axmed Madoobe
    July 25, 2025
    Dood ku saabsan doorashada qof iyo codka ah oo lagu qabtay Muqdisho.
    July 25, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: September 20, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):ย 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Taliye Ku-Xigeenka Xoogga Dalka u magacaabey General Maxamed Nuur Ufurow, isla markaana Taliyaha Ciidanka Lugta u magacaabey G/le Sarre Dayax Cabdi Cabdulle si loo dardar geliyo hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay saraakiisha guutooyinka Gorgor kana dhegeystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha ayaa ku baaqay in muwaadiniintu qaataan si loo sugo amniga loona horumariyo adeegyada dadweynaha.

5- Guddoonka labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya iyo Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya oo lagu soo bandhigay doorka walaalaha Jabuuti iyo taariikhda casriga ah ee dowladnimada Soomaaliya.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu horumar ka sameysay amniga kana shaqeynayso Soomaaliya ka caaggan argagixisada.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray sanduuqa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

8- Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay qaadashada warqadaha aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, oo lagu beegay maalinta caalamiga ah ee aqoonsiga dadweynaha 16 Sebtembar.

9- Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada New York uga qaybgalaya Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

10- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada New York khudbad ka jeediyay kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee Caalamka, wuxuuna kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tallaabsanayo.

11- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York, kula kulmay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

12- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daahfuray mashruuca soo Dib u Soo Kabashada Xasaradaha Soomaaliya.

13- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu meel mariyay heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

14- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ku ciribtirayaan Khawaarijta.

15- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka ay inta badan gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta, gacantana ku dhigay magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara, Qeycad, Xiin labi, Qodqod iyo deegano kale oo istaraatiiji ah.

16- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa kormeer ku tagay magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo laga saaray Khawaarijta.

17- Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Agaasimaha NISA Mahad Salad Maxamed oo gaaray deegaano laga saaray Khawaarijta oo Mudug ka tirsan.

18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa deegaanada Nuur-Dugle iyo Caddaan Laxey kula hadlay Ciidamada Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka ayaa adkeeyay iskaashiga ciribtirka Khawaarijta.

19- Ciidanka Qalabka Sida ayaa fashiliyay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo Khawaarijta ku weerareen deegaanka Laas-Gacamay oo hoos taga magaalada Bacaad Weyne oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Galmudug, xildhibaano iyo masโ€™uuliyiin kale.

20- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ugu baaqay dadkii ay Khawaarijtu xoogga uga saareen deegaanada la xoreeyay ee Galmudug in ay dib ugu soo noqdan guryahooda.

21- Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhiiragalin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee degaanadii dhowaan laga xoreeyay ee gobollada Mudug iyo Galguduud.

22- Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho oo fulinaya howlgalo amniga lagu sugayo ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari laga so buuxiyay walxaha qarxa oo ay Khawaarijtu dooneysay inay shacabka ku leyso.

23- Maamulka Gobolka Banaadir oo raashin ay iska soo uruuriyeen bulshada caasimada ku wareejiyey Taliska Xoogga Dalka si loo dhiira galiyo hawlgalka ciribtirka Khawaarijta.

24- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe) oo ku sugan magaalada Riyaad ee Sacuudi Caraabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga Amiir Abdul-Aziz bin Saud, kuwaa oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta amniga.

25- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini), oo horay Xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September 11-keeda ee sannadkan.

26- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Ururka G77+China oo laba maalin ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

27- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska Bangiga ee dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay Nairobi.

28- Haweenka Magaalada Ceelguula ee Gobolka Mudug ayaa deeq taakulo ah oo iskugu jirtay xoolo, biyo iyo cunooyin ku wareejiyay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka.

29- Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo bandhigtay hanaanka wadatashiga ee Istaraatiijiyada jiilka shanaad (5G).

30- Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

31- Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay duufaanta El-Nino.

32- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Bay ku dilay madaxii maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Bay Aadan Gardhuub iyo Maleeshiyaad uu watay.

33- Horjooge, Xasan Musdhaf Dhaayoow oo loo yaqaanno (Shiniyey ) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Baay.

===DHAMMAAD====

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho mar…

July 25, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

NISA oo soo bandhigtay Muuqaal Abshir Gaarane oo qirtay inuu ka tirsanaa Argagaxisada Al Shabaab

Muqdisho (SONNA) Hayโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay muuqaal uu Abshir Gaarane Axmed ku…

Wararka
January 22, 2020

Wasiirka Amniga XFS oo booqday Taliska Guud ee Ciidanka Booliska dalka Ciraaaq

Baqdaad, (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo safar shaqo ku jooga magaalada Baqdaad ayaa booqday Taliska…

GudahaWararka
January 16, 2025

Adeegyadii CID oo dib loo bilaabayo maalinta beritu ah

Muqdisho(SONNA) Iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay shaacisay in shaqaalaha dowladda ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi kadib saameyntii Covid-19 ayaa waxaa…

WararkaWargayska
July 13, 2020

Cabdiqaasim Salaad Xasan” Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia “

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay gobol…

Gudaha
January 12, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023