Muqdisho,(SONNNA):- Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay aqoon-kororsi ku saabsan dardar gelinta horumarka laga gaaray Ajendaha 2030-ka.
Munaasabaddan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Xarunta Shiinaha ee Caalamiyaynta iyo Qaramada Midoobayย ayaa ujeedadeedu ahayd in lagaga wada hadlo doorka Shiinuhu ka qaadanayo dardar gelinta Yoolalka Horumarineed ee (Sustainable Development Goals (SDGs).
Aqoon-kororsigan ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan guulaha Shiinaha, caqabadaha, iyo fursadaha la xiriira yoolalla horumarineed ee (SDGs), ka hor shirwaynaha Yoolalk horumarimeed (SDG) ee 2023 ee New York.
Danjire Kullane, ayaa sidoo kale, madasha kaga qeyb galay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Shiinaha iyo ka qayb qaadashada dardargelinta horumarka laga gaaray SDGs ee dibadda, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto isbeddelka cimilada, sinnaan la’aanta dakhliga, iyo caqabadaha jira si loo horumariyo (SDGs).
Wuxuu Danjire Cawaale Kullane bogaadiyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay dhimista faqriga, wuxuuna carrabka ku adkeeyay suurtagalnimada kaalmada horumarineed ee Shiinaha.
Ugu dambeyn, Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa ku baaqay in la iska kaashado joogtaynta iyo ka-qaybgalka wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee jira, dardar gelinta iyo kobcinta bulsho caddaalad iyo Barwaaqo ku dhisan.