Awdheegle (SONNA): Taliyaha xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo maanta kormeer iyo bogaadin ugu tagay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka shabeellaha hoose ayaa amray in loo soo gudbiyo dhammaan liiska ciidankii shalay ka dagaal dagah Awdheegle ee jabka culus gaarsiiyey Khawaarijta si loo dalacsiiyo.
Taliyaha ayaa xusay in madaxweynaha Qaranka mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu salaan uga wado ciidanka geesiyaasha ah ee shalay dhabarka ka jabiyey Khawaarijta, waxaana uu xusay in askari walba oo hawlgalkaas guuleystay qayb ka ahaa la dalacsiiyey 2-darajo.
Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa sheegay in Khawaarijtu markii 3-aad ay ku jabeen isku day ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan amniga Awdheegle, taasina ay muujinayso adkaysiga iyo heeganka ay had iyo jeer ciidanku ugu jiraan difaaca dalka.
Khawaarijta ayaa shalay subax iskuday ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ciidabka ku soo qaaday degamada Awdheegle, waxaana halkaasi ay kala kulmeen jab culus, iyadoo looga dilay ku dhawaad 100 ka tirsan Khawaarijta.