Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

By Mohamed Abdirahman Sheikh
Last updated: April 29, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho, Soomaaliya 29-ka April 2026 — Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyadoo labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo fanka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Danjiraha uga mahadceliyey doorka muhiimka ah ee Dowladda Shiinaha ay ka qaadato taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay mashaariicda horumarineed ee Shiinaha ay ka taageerto dalka.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga warbaahinta iyo dhaqanka, gaar ahaan taageerada dib-u-dhiska iyo horumarinta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, oo ah astaan muhiim u ah kobcinta fanka iyo ilaalinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay’adaha warbaahinta labada dal, is-weydaarsiga khibradaha xirfadeed, tababaridda suxufiyiinta iyo horumarinta kaabeyaasha warbaahinta, si loo taageero dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhanka wacyigelinta bulshada, xoojinta midnimada qaranka iyo horumarinta warbaahin casri ah oo wax ku ool ah.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyey mashaariicda kala duwan ee Dowladda Shiinaha ay ka fuliso Soomaaliya, oo ay ku jiraan taageerada bani’aadannimo iyo mashaariic horumarineed oo door muhiim ah ka qaata dib-u-dhiska dalka. Waxa uu sidoo kale caddeeyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo fanka, si loo xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal.

Ugu dambayn, labada mas’uul ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta mustaqbalka ee dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha loona taageero horumarka bulshada Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta ee…

GudahaWararka
October 6, 2024

Soomaaliya iyo Kenya oo iska kaashanaya ilaalinta deegaanka

Nariobi (SONNA): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo…

GudahaWararka
February 25, 2025

Ra’iisal-Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay golaha wasiirrada Koonfur galbeed

Baydhabo-(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kula shiray golaha Wasiirrada dowlad goboleedka Koonfur…

GudahaWararka
November 23, 2020

Shirka Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Goboleedyada,iyo Dowladda dhexe oo Muqdisho ka dhacay+Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyaha shirka wasaaraddaha maaliyadda dowladda…

Wararka
August 11, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023