Shabeellaha Hoose, Arbaco, 29 Abriil 2026: — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa 72-dii saac ee la soo dhaafay fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose,kuwaasi oo lagu beegsaday xubno ka mid ahaa khawarijta.
Hawlgalka oo isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeyn, ayaa ka dhacay deegaanka Buulo Cabdalla oo u dhexeeya Mubaarak iyo Ugunji, waxaana lagu dilay 22 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta oo uu ku jiray horjoogihii maleeshiyaadkaas, Cabdiraxmaan Jeeri, oo caan ku ahaa dhibaateynta dadka rayidka ah.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxaa ka go’an in la sii laba-jibbaaro howlgallada noocan oo kale ah, si loo ciribtiro haraadiga Khawaarijta—loona sugo amniga guud ee dalka.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa saaxiibbada caalamka taageerada ay siiyaan hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.