Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi,oo markale maanta xarunta hoggaanka saadka iyo taakulaynta ciidanka xoogga gaarsiiyay deeq rashiin ah ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay soo garab istaagaan Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
Wasiir Jabriil ” Waxaan markii labaad ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed inay isi soo garab taagaan Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta”.
wasiirka waxa uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan bilaabeen olole loogu magac daray hal dollar ku xoree dalkaaga oo lagu garab istaagayo ciidankeena geesiyaasha ah.
Munaasabadda deeqda lagu wareejinayay waxaa sidoo kale goob joog ahaa wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Osman Mohamed Abdi (Daallo, iyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed Saney Dalmar, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Mar walba garab istaaga ciidamada Qaranka dagaalka xooggan kula jira argagixisada.
Madaxa Hoggaanka Saadka iyo Taakulaynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sharmaarke Cali Afrax oo ugu dambayn halkaas ka hadlay, ayaa wuxu boggaadiyey dedaalka ay Wasaaradda Ganacsigu ku bixinayso taageeridda Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo uu xusay inay tahay markii labaad ee ay soo gaarsiiyaan deeq raashin ah, waxaana uu uga mahadceliyey taakuladdooda iyo garab istaagooda intaba isaga oo cod dheer ku sheegay sidoo kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed iyagana loogga baahan yahay taageeridda Ciidankooda.