Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasaaradda arrimaha dibadda oo Muqdisho ku soo gabangabaysay wadatashi ku aadan bad-qabka deegaanka
    May 14, 2025
    Wasiir Fiqi oo soo xiray tababar ku saabsan istiraatiijiyadda warbaahineed ee difaaca Qaranka
    May 14, 2025
    Wafdi ka socda Soomaaliya oo Kenya uga qaybgalaya shirka IATA
    May 14, 2025
    Soomaaliya iyo Nigeria oo iska kaashanaya dhowrista xogta
    May 14, 2025
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qaabilay Wasiirro ka tirsan SSC-KHAATUMO 
    May 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya. Qeybta 2-aad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya. Qeybta 2-aad
Maqaallada

Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya. Qeybta 2-aad

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 10, 2023
7 Min Read
Share

La Dagaalanka Musuqmaasuqa, Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u arkaa la dagaalanka musuqmaasuqa inay tahay shaqo mudan in la siiyo ahmiyadda koowaad, waxayna qayb ka tahay ballanqaadkii khudbadii madaxweynaha Dr. Xasan sh.Maxamud uu ka jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka xilligii doorashada, wuxuna ballanqaaday hadii la doorto in dalka laga hirgalinayo dowlad wanaag (good  governance), dadka  la socda taariikhda Soomaaliya waxay ku tilmaamaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Dr.Xasan Sh.Maxamud iyo Raysalwasaare Xamza Cabdi Barre inay ku taagan tahay wadadii dowladii madaxweyne Adan Abdulle Osman, (Adan cadde) iyo Abdirisaaq Xaji Xuseen oo lagu xasuusto dowlad wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, xilligaas dad badan ayaa ku waayey xilkooda musuqmaasuq iyo karti la’aan, iyadoo loogu magac daray Busta Rosa.

Amniga, Dowladda Soomaaliya waxay ku guulaysatay inay dib u xorayso goobo badan oo ay maamuli jireen kooxda AL-Shabaab.  Ciidamada qalabka sida waxay muujisay inay awood u leeyihiin hanashada amniga dalka,  iyadoo kor loo qaaday tayada iyo qalabka ciidanka, waxayna diyaar u yihiin inay si buuxda ula wareegaan amniga dalka maadaama ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan dabayaaqada 2024, ATMIS waxay bilaabeen inay ku wareejiyaan ciidamada Soomaliya goobo badan oo ay horey u daganaayeen iyagoo isu diyaarinaya inay dib ugu laabtaan dalalkooda.

Dhinaca Waxbarashada, Madaxeynaha iyo raysalwasaruhu maadaama ay ka wada tirsanaan jireen bahda waxbarashada waxay ku dadaaleen in wasiirka uu noqdo shaqsi aqoon iyo khibrad badan u leh Arrimaha waxbrashada waxana loo magacaabay Ustaad Farax Abdulqadir oo muddo badan ka soo shaqeeyey waxbarashsda dalka, dowlada federaalka waxay dardargelisey kor u qaadista tayada waxbarashada, midaynta manaahijta dalka si loo mideeyo waxbarashada ardayda soomaaliyeed korna loogu qaado heerkooda waxbarsho, wasaradda waxbarashada waxay qabatay shirwayne looga hadlayo waxbarashada dalka heerka ay marayso, caqabaedaha ku gadaaman iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadahaas. Nasiib wanaag waxaa lagu guulaystay in laga gudbo caqabad wayn oo jirtay taasoo ahay macallimiinta oo aad u  tiro yar, marka la barbardhigo ardayda, tuulooyinka ka fog magaalooyinka waxa ka jiray macallin yaraan baahsan, dowladda federalka waxay howl gelisay ilaa 3000 macallin oo loo qaybiyey gobaladda dalka oo dhan iyadoo lagu saleeyey baahida macallin ee ka jirta degaan walba.

Xiriirka Arrimaha Dibadda, Dowladda federalka Soomaaliya waxay si Mug leh u howl gelisay wasaaradda Arrimaha dibadda oo uu hogaaminayo wasiir Abshir Huruuse oo ah shaqsi leh karti iyo hufnaan aqoon gaar ahna u leh xiriirka caalamiga, wasaaradda Arrimaha dibadda waxay ka miro dhalisay hal ku dhagga Madaxeeynaha oo ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la ah, Dowladda federaalka waxay ku guulaysatay in waddamada deriska lala yeesho xiriir wanaagsan oo ku dhisan Daris wanaag.  Wasaaraddu waxay door wayn ka qaadatay in danaha Soomaaliya si mug leh looga shaqeeyo heer gobol, qaarad iyo heer caalami intaba, in soomaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo madaxweyne Dr. Hassan Sh.Mohamud uu ka jeediyey Khudbad qiiro leh xarunta golaha Amaanka, dowlado badan ayaa soo dhaweeyey in soomaliya laga qaado cunaqabaynta hubka, sidoo kale wasaaraddu waxay u istaagtay sidii Soomaaliya looga cafin lagaa daymaha.  waxa xusid mudan wasaaradda Arrimaha dibadda inay qayb libaax ka qaadatay gurmadka loo sameeyey dadka soomaaliyeed ee ku go’doomay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Sudan, iyadoo la soo daad gureeyey dad badan oo ay ku jiraan caruur, haween, waayeel iyo arday intaba.

Wasaaraddu waxay u qareentay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa wadamo kala duwan,  iyadoo lagu guulaystay in dib loogu soo celiyo dhulkooda hooyo. waxaa bogaadin  mudan in Soomaaliya ay ka qayb gashay markii ugu horaysay shirka looga hadlayo mamnuucidda isticmaalka hubka nuklerka Conmprehensive nuclear Test Ban Treaty Orgsnization(CTBTO), ururkaas wuxuu aad u dhiirigeliyaa hormarinta sayniska iyo technolojiyada, (Science and Technology).

Ururka CTBTO waxaa ka faa’iidaysta wadamo badan oo qaarkood ay yihiin wadamada soo koraya, taasoo la rajaynayo in dowladda Soomlaiya ay ka faa’daysan doonto maadaama uu wasiir Huruse ka qayb galay shirwaynaha Ururka CTBTO, wuxuna ka soo jeediyey qudbad qiimo badan oo xambaarsan aragti siyaasadeed oo muujinaysa halka Soomaaliya ay hiigsanayso dhinaca Sayniska iyo Technolojiyada, Khudbadda wasiirka waxay aad u soo jiidatay dhamaan wafuudii calamka ka kala socotay, shirkaas wuxu ka dhacay Vienna, Austria,

Talo soo jeedin ku wajahan Dowladda Federaalka.

1-In kor loo qaado tayada iyo xirfadda shaqaalaha dowladda, dunida waxay ku horumartay kor u qaadista karaan ama kartida shaqo ee aadanaha (Human Capital), iyo in laga faa’iidaysto aqoon yahanka Soomaaliyeed oo leh aqoon sare, khibrad  iyo daacadnimo diyaarna u ah inuu u adeego dalkiisa iyo dadkiisa, wadamada Japan,South Korea iyo Singapore, malaha khayraad badan oo dabiici ah laakiin waxay horumariyeen dadkooda iyagoo baray aqoon,xirfadaysan iyo karti howsha lagu  fuliyo (Competence), dadka Soomaaliyeed hadii tayadooda kor loo qaado waxaan hubaa inay la tartami karaan wadamadaas aan kor ku soo xusay.

2-Shacabka Soomaaliyeed waxay talo ku soo jeedinayaan in nabad lagu soo dabaalo Gobalada dalka ee ay colaaduha ka jiraan iyadoo la adeegsanayo culimada diinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed si loo gaaro xal nabad galyo ku dhisan

3-In guud ahaan dalka laga abaabulo ALLE Barrri iyo duco, in Alle la waydiisto cafis guud, dadka oo dhanna laga codsado inay is cafiyaan, si loola yimaado niyad sami horseedi karta in Soomaliya ilaahay towfiiqda waafajiyo oo ay midowdo, Soomaalidii hore xaalka markuu adag yahay waxay oran jireen aan ducaysano.

4-In da’yarta soo koraysa ee ku jirta heerarka kala duwan ee waxbarashada lagu barbaariyo walaalnimo iyo Soomaalinimo, waayeelkana lagu boorriyo walaalnimada iyo Soomaalinimada si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qaybin iyo khilaaf Bulsho.

Guntii iyo Gabagabo Shacabka Soomaaliyeed waxay qirayaan in dowladda federaalka ay qabatay shaqo wanagsan islamarkaana ay raali ka yihiin hoggaanka siyaasadda Soomaaliya ee Madaxweyne Dr.Xasan Shiikh Maxamud iyo Raiisulwasaare Xamse Cabdi Barre. Xukuumadda Dan Qaran waxay mujisay dadaal dheeraad ah muddadii ay jirtay ee sanadka ahayd, waxaana laga rajaynayaa in dowladdu ay qaban doonto shaqooyin badan oo muhiim ah sanadada soo socda hadii ALLE idmo.

Dhammaad.

W.Q. Amb.Osman Mohamed Adan

irshadadansare@gmail.com

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasaaradda arrimaha dibadda oo Muqdisho ku soo gabangabaysay wadatashi ku aadan bad-qabka deegaanka

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  ee dowladda FS oo kaashanaysa ururka…

May 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dagaalka Dalka looga xoreynayo Khawaarijta yuusan Dhab ka ahayn (warbixin).

Muqdisho,(SONNA):- Dhallinyaradii S.Y.L, haddii ay keeneen gobonimo, iyagoo ka hor tagay gumeyste damaciisu ahaa in gacanta  hoostiisa ay geliyaan madax…

Maqaallada
May 16, 2023

Khawaariijta oo dab qabadsiiyey deegaan ku yaalla koonfurta gobolka Mudug

Muqdisho(SONNA):-Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa tacadiyo aad u fool xun u geystay shacabka Soomaaliyeed, kadib markii ay ku xad gudbeen xurmada naf,…

MaqaalladaWararka
March 18, 2023

Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin).

Muqdisho(SONNA):-Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin). Magaceeda…

MaqaalladaWararka
May 9, 2023

Dilka, Xasuuqa, Qaraxyada iyo dhaca Bulshada, waxaa u dheer Khawaarijta beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada. Warbixin.

MUQDISHO-(SONNA)-kooxda argagixisada ah ee khawaarijta ee dullaanka ku soo qaadday dalka haatanna dabar go,a ku dhow ayaa laga calaameeyay ficillo…

GudahaMaqaalladaWararka
January 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023