Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
    In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan
    June 6, 2025
    Macalin Mahdi “Qof kasta oo soo sheega xogta cadowga waxaan siin doonaa lacago  abaalmirin ah”
    June 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dr:Xasan Sh:Waxaan ku baaqayaa in qof kasta uu door ku yeesho xoreynta Dalka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dr:Xasan Sh:Waxaan ku baaqayaa in qof kasta uu door ku yeesho xoreynta Dalka (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWargayska

Dr:Xasan Sh:Waxaan ku baaqayaa in qof kasta uu door ku yeesho xoreynta Dalka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 5, 2023
7 Min Read
Share

Howlgal Milateri oo dhawaan ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug ayaa lagu burburiyay xaruntii Khawaarijta ee Koonfuurta Gobolka Mudug, iyadoo Howlgakaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xarunta Xerta Shiikh Cali Suufi oo ay Khawaarijtu ku laheyd duleedka Dumaaye, halkaasi oo aheyd mawlaca ay Khawaarijtu horray uga dhacday culumada deegaanka, una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, kuna diyaariyaan qaraxyada, hoyna u aheyd horjoogeyaasha Maleeshiyaadka Khawaarijta ah. Marka uu dhacayay howlgalku waxaa goobtaasi ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya (300) seddex boqol Khawaarij,  waxaana hadallo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal,

Howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa ku geeryooday 167 ka tirsan Khawaarijtii goobta taagnaa oo ay ku jiraan seddex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita, howlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan labo  nuuca loo yaqaano BG, kuwaasi oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa , isla markaana sababay in uu sii badsha khasaaraha Khawaarijtu, waayo waxaa halkaas ka dhashay dab weyn oo keenay in Khawaarijtii banaanka joogtay ay u gurman waayaan kuwa ku halaagsamay xerada.

Dowladdu waxa ay cambaaraynaysaa in Khawaarijta oo ka aar gudanaya howlgalkaasi ayay laayeen Dad Shacab  ah oo u af-duubnaa,  kuwaasi oo gaaraya ilaa iyo shan qof, taas oo muujinaysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka. Dawladdu waxa ay  u mahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacanta ka gaystay howlgalkaan guulaystay.

Khawaarijta waxaa kaloo lagu galay deegaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug, halkaasi oo ay Ciidanka Qaranka ku burburiyeen kooxo Khawaarij ah, kuwaasi oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfur bari ee gobolka Galguduud, waxaana lagu dilay Ilaa iyo 43 ka tirsan Khawaarijta, waxaana laga burburiyay Khawaarijta seddex gaari oo Khawaarijtu ay lahaayeen, waxaana la soo warinyaa in Khawaarijta halkaas lagu laayay ay ahaayeen Maleeshiyaad halkaasi ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaasi oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta.

Khawaarijta waxaa kaloo lagu jabiyay isku day weerar oo ay isku dayeen in ay ku qaadaan deegaanka Daaru-Necma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaasi looga reebay Khwaarij gaaraya ilaa 40 dhagarbayaal, iyadoo dhanka galbeed ee isla Gobolka Galguduud waxaa ka socday shalay howlgal saf ballaaran ah, kaasi oo Khawaarijta looga sifeeyay deegaanno badan oo hoostaga Degmada Ceelbuur. Hawlgallada sifaynta Khawaarijta ee ka socda Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee Khawaarijtu ku sugan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka Argagixisada oo ay dadka reer Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka howlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah Argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Waxa aan soo gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo aan u imid dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta. Waxaan ku soconnaa deegaanno Khawaarijtu ku ukumeystay, waqti dheerna ku dhibaateynaysay shacabka Soomaaliyeed. Aragagixisada Khawaarijta ah goobo badan oo dalka ka mid ah waa ku jabeen, degaanno badanna waa laga xoreeyay, waxaana cadaatay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u huri kara naftooda xoriyadadooda iyo mustaqbalka caruurtooda, ilaalinta qaranimadooda, iyo difaaca karaamadooda”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay safar uu ku tegay Degmada Maxaas.

Madaxweynaha oo bartiisa Bulshada ku qoray farriin ayaa ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab taagan yihiin Dowladdooda iyo Ciidankooda, ayaa sidaan yiri:- “Dhamaan qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin bulshada rayidka, haweenka iyo dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa in qof kasta uu door muuqda ku yeesho inaan dalkeena ka xoreyno Khawaarijta. Waxaa bilaabanaya taariikhda dib u curashada Soomaaliya, qof kastana waa inuu u diyaar garoobo baalkii uu ku yeelan lahaa taariikhda cusub ee qormeysa”.

Haddaba Waa maxay muhiimadda safarka Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Maxaas? Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo xiran dharka ciidamada waxa ka degay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxa uu kulamo la qaadanayaa siyaasiyiinta beelaha dega Gobollada bartamaha Soomaaliya, isaga oo kala hadlaya arrimaha dib u xoreynta iyo in deegaannadaasi laga dhigo kuwa ka caaggan kooxda Khawarijta ah ee Al-Shabaab.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maxaas u qorsheeyay bar laga hoggaamin doono dagaalka, waxaana hadda socda abaabulkii ugu ballaarnaa oo ay sameynayaan beelaha iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Degmada Maxaas ayaa ah meel leh muhiimad istiraatiiji ah marka loo eego in laga hoggaamiyo dagaalka lagu xoreynayo dhulka seddex xagalka ah ee u dhexeeya Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, iyadoo Safarka Madaxweynaha ee Hiiraan uu ku soo aadayo iyada oo uu jiro khilaaf siyaasi ah oo u dhexeeyo Madaxda Hirshabeelle iyo Gobolka Hiiraan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Daraawiishta ee Dowladda Goboleedka Puntland ayaa maanta, oo ku beegan maalinta 1-aad ee Ciidul…

June 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Cadaaladda XFS oo dahfuray bilaabidda la tashiyada Dadweyne ee cutubyada 5-aad ilaa 9-aad Dastuurka KMG

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalim oo kulan fogaan arag ah la yeeshay wasiirada Dastuurka ee…

GudahaWararka
June 9, 2024

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo u hambalyey ciidanka Xoogga dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenada ,Alifleyda ,Dableyda iyo Dhammaan qoysaskooda Munaasabadda…

Gudaha
April 12, 2021

Kiisas hor leh oo Corona-Virus ah oo laga helay gobollo ka mid ah dalka

Muqdishu-(SONNA)- Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah shaacisay dad farabadan oo laga helay cudurka halista ah…

GudahaWararka
October 4, 2020

QM oo dib u eegeysa cune qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Geraldine Byrne Nason, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Ireland u fadhisa Qaramada Midoobey, ahna Guddoomiyaha Guddiga hoosaadka Golaha…

GudahaWararka
October 22, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023