Xarardheere (SONNA): Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi oo safar shaqo ku jooga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta soo kormeeray fariisimaha ciidamada ee duleedka magaalada, isaga oo ka wareystay xaaladda ay ku hawlgalayaan, kalana hadlay hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.
Mudane Axmed Macalin Fiqi wasiirka arrimaha gudaha waxaa uu ugu horreyn ciidamada iyo hoggaankooda ka dhageystay xaaladda iyo diyaar garowgooda la xiriira hawlgalada socda, isaga oo gaarsiiyey farriimo kala duwan oo dhiirigelin ah, waxaa uuna adkeeyey in la joogo xilligii Mudug laga soo afjari lahaa haraadiga dhiigyacabka Khawaarijta.
Mas’uuliyiinta dowladda federaalka oo uu horkacayo Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jooga safka hore ee dagaalka, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta gebogabada wejiga 1-aad ee hawlgalka.