Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiye Mursal “Madaxdii saxiixay heshiiska doorashada iyagaa looga fadhiyaa dalka inay doorasho ka qabtaan”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Guddoomiye Mursal “Madaxdii saxiixay heshiiska doorashada iyagaa looga fadhiyaa dalka inay doorasho ka qabtaan”
Wararka

Guddoomiye Mursal “Madaxdii saxiixay heshiiska doorashada iyagaa looga fadhiyaa dalka inay doorasho ka qabtaan”

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 30, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan oo ka hadlayey madasha aragti wadaagga ee Heritage oo maanta ka furmay magaaladda Garoowe ayaa ka hadlay marxaladda doorashada ee xilligaan, isagoo xusay in madaxda Qaranka iyo madaxda dawlad goboleedyada ay leeyihiin doorka ugu muhiimsan ee qabashada doorashada.

Waxa uu sheegay in 26-dii bishii September ee sanadkaan Baarlamaanka dalku ansixyey heshiiskii siyaasadeed ee doorashada ee ay Muqdisho ku gaareen madaxda dawladda iyo dawlad goboleedyada, kaas oo qeexaya habraaca iyo shuruucda loo marayo doorashada, maadaama la gaari waayey doorasho qof iyo cod ah.

“Madaxdii saxiixay heshiiska doorashada iyagaa looga fadhiyaa dalka inay doorasho ka qabtaan, iyagaa looga fadhiyaa inay la fariistaan oo qanciyaan ciddii tabasho qabta, heshiiska kuma qorna in cid cusub lagu soo daraa” ayuu yiri Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka dalka mudda xileedkiisii 4-ta sano ahaa uu dhammaaday 27-dii bishan, balse uu jiro qodob Dastuuri ah oo qeexaya inaan la oggolaanin firaaq Baarlamaani ah, sidaa darteed wali uu Baarlamaanku sii shaqaynayo isagoo leh awoodihiisii in hay’adaha dawladda uu kula xisaabtamo fulinta sharciga.

Qodobkaas ayuu sheegay Guddoomiye Mursal inay ka dhalanayso inay madaxda dalka kula xisaabtamaan fulinta heshiiskii doorashada, waxaana uu ku booriyey in wixii caqabad ah laga wada hadlo, iyadoo laga maarmayo in dalka dibaddiisa khilaafyada lagu xaliyo, lagana fogaanayo dib u dhac iyo xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga dib u eegista Dastuurka ee BJFS oo ka dooday dib u eegista cutubyada 𝟓-𝐚𝐚𝐝 illaa 𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee Dastuurka KMG

Muqdisho-(SONNA)-Xubnaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka BJFS oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee ay u xilsaaran…

GudahaWararka
August 10, 2024

Guddiga fatahaadaha Soomaaliya oo lacag deeq ah ka guddoomay Jamhuuriyadda Jabuuti  

Muqdisho-(SONNA)- Dowladda walaalaha aan nahay ee Jabuuti ayaa lacag gaaraysa lix boqol kun oo dollar una dhiganta boqol malyan oo…

Wararka
November 2, 2019

Maxkamadda Sare ee dalka Malaawi oo wax kama jiraan ku tilmaantay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas.

Codadkii ay dhiibteen dadka codkooda bixinaya ee ka qayb galaya doorsahada ka dhacday dalka Malawi bishii May ee ina soo…

Wararka
February 4, 2020

Maamulka Gobalka Banaadir oo ka digay ka ganacsiga Maandooriyaha

Muqdisho (SONNA) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka…

Wararka
August 29, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023