Muqdisho-(SONNA)-Shacabka ku nool qaar ka mid ah degmooyinka iyo degaannada laga xoreeyay khawaarijta ayaa laga hirgaliyay adeegyadii Aas-aasiga u ahaa noolasha dadka.
Deegaannada laga saaray khawaarijta ayaa la gaarsiiyay Shixnado isugu jira cunno iyo dawo, sido kale goobahaasi ayxaa laga hirgaliyay adeegyada garsoorka, waxbarashada , iyadoo ay degaanadaas u diideen arxan laawayaasha khawaarijta.
Dowladda ayaa dib u dayac tir ku sameeysay ceelal fara badan oo kooxaha khawaarijta ay gubeen, halka kuwa kalana ay aaseen, waxanay dowladdu ku howlan tahay xasilinta nabadda iyo horumarinta goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.
Howlgalka Ciribtirka malleeshiyaadka Khawaajirta ee ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ka wadaan qeybo ka mid ah goballada dalka oo jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga ayaa sababay in ay dowladdu geyso adeegayadii asaasiga ahaa ee bulshada, markii laga dul qaaday cadaadiskii ay muddada dheer ku haysay argagixisada.