Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Switzerland oo shaacisay in ay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka
    July 24, 2025
    Wasiiradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis kala saxeexday
    July 24, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Azerbaijan
    July 24, 2025
    Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta iyo qalabeynta ciidanka badda
    July 24, 2025
    Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka hadlay horumarinta amniga, adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha
    July 24, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Waa Maalintii la baran lahaa Wadaniga dhabta ah (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa Maalintii la baran lahaa Wadaniga dhabta ah (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waa Maalintii la baran lahaa Wadaniga dhabta ah (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 29, 2023
6 Min Read
Share

Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Dhuusamareeb lagu soo gagabeeyay Shirkii 7-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo uga socda Madaxda Maamul-goboleedyada, Goboklka Banaadir iyo dowladda Dhexe, waxaana gabagabadiisa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii Khawaarijta, inta dhimanna la dhameeystiri doonno, waxa uuna ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyay guulaha ay soo hooyeen Dagaalka, isagoona sheegay in la gaaray xiligii lays abaal marin lahaa qof walbana la qiri lahaa kaalinta uu ku lahaa xoreynta dalka

โ€œAl-Shabaab Waa xaaqin Shacabkuna waa dhulkii,ย  Xaaqinka ayaana dhammaanaya โ€œ, sidaasi waxaa yiri, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa farriin u diray dhallinyarada iyo odayaasha ay qaldeen khawaarijta, isagoo u sheegay in ay ka soo baxaan, dowladana ay cafis u fidineyso cid walba oo fikirka qaldan ee khawaarijta ka soo baxaysa.

Mar uu soo hadal qaaday doorka Ganacsatada eek a maqan ka qeybqaadashada dagaalka lagula jiro Khawaarijta ayuu Madaxweynuhu sheegay in Ganacsatada wali ay maqan tahay kaalintoodii, isagoona ugu baaqay in ay ka qeyb-qataan howlgallada guud ahaan dalka looga xoreynayo khawaarijta, wuxuuna Madaxweynuhu intaasi raaciyay in inta qof ka mid ah khawaarijta uu ku sugan yahay degannada ay wali gacanta ku hayaan uu howlgalku sii socon doonno.

โ€œWaxaa jira shaqsiyaad iyo kooxo ku daaban oo si toos ah iyo si dadbanba u taageeraya kooxda Argagexisada ah ee Al-Shabaab. Dawladahaasi waa kuwo ka macaasha in ay dunida dalaal uga yihiin galaan galka Argagexisada, halk kooxaha ku daabani ay u arkaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hollinayo libin ay ku dhaceeda yeelan waayeen.

Waxayse ogayn in cadawgan uu yahay kii kun Soomaali maydkooda maalin Zoobe waray, kuwii hal doorkeena sheekh, Macallin, Dhakhtar, Sarkaal, Injineer, Ganacsade, Siyaasi, Saxafi, Hobol, iyo Safiir naga ugaarsanayey, kuwii Soomaali gumeeyey ee asaageed u loogayโ€, sidaasi waxaa yiri Xil.Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka oo Bartiisa Bulshada ku qoray qoraal uu kaga hadlaayo waxyaabaha ka socda Dalka ee ku aadan Jihaadka lagula jiro Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ayaa qoraalkiisa ku sii daray, โ€œWaa nacas kii aan garan in argagexisada AS ay halis ku yihiin jiritaankeena ummadeed, waxaase ka sii liita ruuxii isagoo og dhibco siyaasadeed ka dhex raadiyaโ€.

Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu qoraalkiisa aad ugu taageeray doorka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ka qaatay ciribtirka Khawaarijta ah, โ€œWaxaan garab taaganahay Madaxweynaha iyo inta hoggaanka dagaalka ku hawlan, waxaan boggaadinayaa ciidanka xooga dalka iyo macawiislayda naftood hurayaalka ah ee furumaha dagaalka ku hortaagan cadawga, waxaan Alle uga baryayaa in uu shahaadada ka aqbalo geesiyaalkii ku naf waayey la dirirka Argagexisadaโ€.

Farriinta Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale sida ay bulshadu ula wada dhacday, iyo farriimaha niyad jabinta leh sida canaanta loogala dul dhacayo waxay ku tusinaysaa in shacabku ay feejigan yihiin, halbeegga guushana uu u saxan yahay.

Guushu waa in uu ciidankeennu hore u socdo oo maalin walba magaalo cusub cadawga ka saarayo. Siyaasigii aanan intaas guul u arag asaga iyo shacabku is ma fahmayaan, waana sababta loo leeyahay โ€œma taasaad keentay?!โ€. โ€œMaantay waa maalinti la kala baran jiray baqiilka iyo Deeqsiga. Waa maalintii la kala baran jiray geesiga iyo fulayga, waa maalintii labaran lahaa wadaniga dhabtaa iyo kan kaleโ€, Sidaa yiri Nabaddoon Cali Xasan Cali jeesto.

Waa fariin qalbi taabad ah oo ka timid muwaadin dhibane u ah Khawaarijta, waxa uu ku Indho beelay, kana beelay Xubno kale oo ka mid ah Jirkiisa Qaraxii ka dhacay Xaruunta Maamulka Gobolka Banaadir, ย ย Qof kasta oo damiirkiisu nool yahay ee dhageysta fariinta dhibanahaan waxaa dushiisa ahaatay in uu ajiibo oo kaliya.ย  Cadaw inta uu guul guul kaaga gooyo galista kaagama hooyo, hubaal inta ay Khawaarij Dadkeenna ku gaarsiisay guul guulka kuma gaarsiiseen haddii aan u bareerno, wixii tagay tagee ee Maanta ayay talo nala gudboon tahay,ย  waana in aynaan u kala harin Suulinta Khawaarijta.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir,Dr: Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab) ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo goobaha laga saaray oo ay ugu dambaysey degmada Ceelbuur, wuxuuna intaasi ku daray in ay dowladdu guuleysato, lagana adkaado cadowga khawaarijta ay cid kasta dan ugu jirto.โ€œIn Dowladnimada guulaysato cadowgana laga adkaado waa danta cid kastaโ€.

Mudane, Muungaab ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay hiil iyo hoo la garab istaagaan Madaxweynaha JFS iyo Ciidamada qalabka Sida ee ku howlan har iyo habeen xoraynta dalka ย iyo ciribtirka cadowga Khawaarijta. โ€œCiddii dooneysa in ay siyaasad ka dhex raadisoย xoraynta dalka iimaankaย  Allaha geliyo, waxaana leeyahay war hooy sidaasi geela looma kaxeeyoโ€

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Switzerland oo shaacisay in ay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka

Dowladda Switzerland ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,…

July 24, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Warfaafinta

Muqdisho(SONNA);-Raโ€™iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka…

GudahaWararka
January 6, 2025

War-murtiyeed laga soo saaray shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta u akhriyey war-murtiyeedka shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka…

GudahaWararka
February 1, 2023

Ciidamada amniga oo howlgalo amniga lagu sugayo ka sameeyay xaafadaha Garbahaareey

Muqdisho.(SONNA):- Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri, Boolis iyo Nabadsugid ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxay…

GudahaWararka
January 30, 2022

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaliya ayaa magaalada Jubba ee dalka koofurta Sudan kula kulmay 102 qof oo kasoo bara baxay dalka Sudan

Muqdisho(SONNA):-safiirks Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya u fadhiya dalka koonfurta Sudan Danjire Cabdikariim Xaaji Cumar Cameey oo uu wehliyo Xoghayaha joogtada ee…

GudahaWararka
May 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023