Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose
    May 26, 2026
    Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed
    May 26, 2026
    Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay
    May 26, 2026
    Dufcada 12-aad ee Kumaandooska Danab oo tababar loo furay
    May 25, 2026
    Dhallinyarada Muqdisho oo muujiyey nabadda caasimadda ka jirta iyo sida ay u difaacayaan
    May 25, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Kalluumaysiga oo heshiis la saxiixatay shirkadda OYAK ee Turkiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Kalluumaysiga oo heshiis la saxiixatay shirkadda OYAK ee Turkiga
GudahaWararka

Wasaaradda Kalluumaysiga oo heshiis la saxiixatay shirkadda OYAK ee Turkiga

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 16, 2025
2 Min Read
Share

Ankara (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa maanta la saxiixday Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga dhaqan-gelinta Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda ee ay horey ugu heshiiyeen Labada dhinac, kaas oo muhiim u ah ilaalinta iyo horumarinta khayraadka baddeenna. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga waxaa xarunta OYAK ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Turkiga.

Munaasabaddan oo ku qabsoomtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa Wasiir Axmed waxa uu ku soo bandhigay muhiimadda iskaashiga Labada dal ee dhanka Khayraadka Badda, kaas oo horseedi doona Maalgashi toos ah oo lagu sameynayo kaabeyaasha dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya, Kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah, dhisidda warshadaha kalluumeysiga dalka iyo horamarinta xirfadaha kalluumaysatada Soomaaliyeed.

Saxiixa heshiiskan oo goobjoog ay ka ahaayeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Cabdi Diirshe ayaa waxa uu mudnaan gaar ah siinayaa la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, ilaalinta khayraadka badda iyo abuurista kumannaan fursado shaqo oo si gaar ah u taaban doona dhalinyarada iyo bulshooyinka ku nool deegaannada xeebaha.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa ku bogaadiyey dowladda Turkiga iyo shirkadda OYAK sida ay u muujiyeen kobaca maalgashiga Soomaaliya iyo xasilloonida ka hanaqaadday dalka, taas oo horseedday in ay ku soo hirtaan shirkadaha caalamiga ah ee ka qeyb qaata horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Madaxda Wasaaradaha Gaashaandhigga, Wasaaradda Beeraha iyo Kaymaha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga iyo Guddoonka Sare ee shirkadda OYAK ayaa soo bandhigay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee heshiiskan, iyagoo uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kalsoonida ay ku qabaan qorsheyaasha maalgashiga ee Turkiga, taas oo horseedday fulinta mashaariic muhiim ah iyo adkaynta xiriirka faca weyn ee labada dal.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdadii ka…

May 26, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka oo kormeeray xafiisyada shaqada ee hay’adda

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu…

GudahaWararka
July 10, 2023

NISA oo soo afjartay kooxo dadka ka cabsi gelin jiray Internet-ka

Muqdisho-(SONNA)- Hay'adda nabad sugidd iyo amniga Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa war saxaafadeed ay dhowaan soo saartay waxa ay ku…

GudahaWararka
January 30, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dalka Kenya uga qeyb galay kulan looga hadlayey wada hadallada Nabadda ee South Sudan

Nairobi (SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qeyb ka ah kulan looga hadlayey wada-hadallada…

CaalamkaGudahaWararka
May 9, 2024

Kenya oo lagu soo gabagabeeyay shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamujka deyn-cafinta Soomaaliya

Nairobi((SONNA):-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo gabagabeeyay shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya, oo labadii toddobaad…

GudahaWararka
September 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023