Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, iskaashiga Caalmiga iyo la-xisaabtanka Hayโadaha Dawladda Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga.
Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa in dhageysuga warbixinta Guud ee Wasaaradda oo dhammeystiran, Warbixin Mashaariicda dalka ka socda kuwa Miisaaniyadda ku jira iyo kuwa aan ku jirin iyo warbixin Hayโadda Tira-koobka (Statistics) Qaranka. Guddiga ayaa kulan shaqo ugu yeeray wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha taariikhdu markay ahayd Agoosto 20, 2023.
Wasiirka iyo howlwadeennadii la socday oo kala ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda; Agaasimaha Guud ee Hayโadda Tira-koobka (Statistics) Qaranka, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalah, Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta iyo Xalka Waara, Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Madaxa Mashruucda Barwaaqo iyo Madaxa Mashruuca SCRP ayaa mid mid uga warbixiyey shaqooyinka ay Qaran u haayaan.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guddiga Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa soo xiray kulanka, waxaana loo ballamay in Wasaaradda loogu yeeri doono kulan kale oo shaqo iyo Suโaalo weydiin.