Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa qorshaha ciribtirka Khawaarijta ayaa u daahfurtey qorshe shaqaalaha wasaaradda ay kaalintooda uga qaadanayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, gaar ahaan dhanka fariimaha baraha bulshada.
Wasaaradda ayaa iyadoo ka duuleysa qorshaha uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ee ku saabsan ciribtirka Khawaarijta ayaa maanta si rasmi ah qorshahaas u daahfurtay . Waxaana shaqaalaha ay baraha bulshada ku soo Bandhiggi doonaan fariimaha lagu dhiirigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo muhimadda jihaadka xaqa ah ee loogu hiilinayo diinta iyo dalka, loona ciribtiri Khawaariijta diinta Islaamka ka been sheegayaa.
Wasaaraddu waxay dhiirigelinaysaa garab buuxa oo ah dhanka fikirka Iyo wacyigelinta bulshada, gaar ahaan fariimo loo dirayo ciidamadeena soomajeesteyaasha ah ee dhabarka u ritay difaaca ummadda Soomaaliyeed iyo baabi’inta cadowga caadeystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ah Khawaarijta.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo mudooyinkii u dambeeyay hawada ka saartay inta badan barahii bulshada ee ay Khawaarijtu adeegsan jirtay ,iyadoo kaashanaysay Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Tiknoolajiyadda & Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka NCA oo wada jira.