Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane: Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa Muqdisho ka furtay tababar soconaya labo maalmood oo loo qabanayo Ha’addaha ka shaqeeya caymiska , bangiyada iyo qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda.
Tababarkan oo lagu baran doono wacyigalinta ceymiska Xoolaha, ayaa ujeedkiisu tahay dhiiro gelinta nidaamka Caymiska Xoolaha, oo ah barnaamij loogu talo galay in reer miyiga waxtar uyeesho marka ay abaarta jirto.
Feysal Cali mas’uul ka socdey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Federaalka ayaa furitaankii tababarkan kasoo qeyb galayasha usharxay muhiimada tababarkan leeyahay iyo in ay ka faa’ideystaan maalmaha uu socdo.