Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Istaraatiijiyadda Isku xirka warbaahinta dalka oo Muqdisho lagu saxiixay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Istaraatiijiyadda Isku xirka warbaahinta dalka oo Muqdisho lagu saxiixay
GudahaSiyaasaddaWararka

Istaraatiijiyadda Isku xirka warbaahinta dalka oo Muqdisho lagu saxiixay

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 21, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS, wasiirada warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo Agaasinka warfaafinta gobolka Banaadir, ayaa maanta saxiixay Istaraatiijiyadda Isku-xirka xiriirka warbaahinta dalka, kadib markii maanta loo bandhigay bulshada iyo deeqbixiyayaasha caalamka shir ku qabsoomay Hoolka Hanger-ka ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.  Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo ugu joreyn soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha ayaa sheegay in Wadatashiga Istaraatijiyaddani in uu soo socday tan iyo bishii May hannaankeeduna ahaa mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galeen Hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, gobolka Banaadir iyo Bulshada rayidka ah.

Wasaaradda ayaa ka qeyb galayaasha u bandhiga ahmiyadda Istaraatiijiyadda, meelaha hortabinta leh, iyobyoolalka ay hiigsanayso.  Wakiilo socday Qaramada, safiirada dowladaha Maraykanka, China, Norway, Kenya,Talyaaniga, UK,  diblomaasiyiin iyo ergo ka socotay ururada dowliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah oo hadal jeediyay soo bandhigga Istaraatiijiyadda kadib, ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaa in Soomaaliya ay yeelato Istaraatiijiyad qaran oo lagu hagi doono isku xirka xiriirka warbaahinta dalka ee lagu hagi doono howlaha warbaahinta dowladda shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka ah ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Istaraatiijiyadda warbaahinta dalku ay soo martay marxalado wadatashi iyo talo-wadaag oo muddo socday, ugu dambeynta ay wasiirada warfaafinta dalku isku raaceen ansixinteeda ayna isku waafaqeen in si wadajir ah ay u fuliyaan si loo mideeyo fariimaha dowladda ee heer federaal, dowlag goboleed iyo gobolka Banaadir.

Wixii maanta ka dambeeyay ay fulinteeda si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.  Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo Agaasinka Warfaafinta ee gobolka Banaadir, ayaa si wadajir ah u saxiixay Istaraatiijiyadda, iyagoo mid mid uga hadlay goobtana waxay mid mid u muujiyeen sida ay uga go’an tahay meelmarinta Istaraatiijiyadda iyo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan doonaan meelmarinta Istaraatiijiyadda iyo howlaha ka dhiman fulinteeda.

Hawlahaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta mas’uuliyadda shaqo ee Xafiiska Isku-xirka xiriirka dowladda iyo diyaarinta howlaha shaqo ee labada sano iyo barka soo socda, markaas oo dib u eegis iyo horumarin lagu sameyn doono si labada sano iyo barka dhinac la horumariyo si loo meelmariyo casharadii laga bartay labada sano iyo barkii hore ee xafiisku shaqeeyay.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Federalka ah, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo ugu dambeyntii soo xiray shirka, isla markaana mid mid ula kulmay wakiiladii safaaradaha, deeqbixiyayaasha caalamiga iyo hey’adaha adeeg fuliyayaasha ee la shaqeeya deeqbixiyayaa qaar ka mid ah shirka ku sugnaa, ayaa wuxuu ugu baaqay safaaradahan iyo hey’adahan in ay wasiirada warfaafinta dalka kala shaqeeyaan fulinta Istaraatiijiyadan qaran.

Wasiir Daa’uud Aweys, ayaa sidoo kale ugu baaqay Wasiirada Warfaafinta ee heer dowlad goboleed iyo gobolka banaadir in ay ka dhabeeyaan ballanqaadkooda, ayna kala shaqeeyaan Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed in wasaaradaha warfaafinta dalku sidii ay u hogaamin lahaayeen howlaha warbaahinta iyo isku-xirka xiriirka howladaha warbaahineed ee dalka.

Wasiirka Da’uud Aweys Jaamac ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dhamaan howl-wadeenada kaalinta ka qaatay diyaarinta Istaraatiijiyadda isku-xirka xiriirka warbaahinta dalka, deeqbixiyayaashii soo xaadiray, wasiiradii ansixiyay iyo dhamaan ka qeybgalayaasha shirka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika

Muqdisho (SONNA); – Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Baarlamaanka oo ansixiyay heshiiska Xukuumadda Soomaaliya la gashay Turkiga

Muqdisho(SONNA):-Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda…

GudahaWararka
February 21, 2024

Yoshihide Suga oo loo doortay hoggaamiyaha xisbul-xaakimka Japan ee LDP

TOKIYO-(SONNA}- Yoshihide Suga ayaa loo doortaqy in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga haya talada Japan ee Liberal Democratic (LDP), doorashadaan oo…

CaalamkaGudahaWararka
September 14, 2020

Duqa Muqdisho oo Xarigga ka jaray Maktabad Eng; Yariisow lagu maamusay +Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xarigga ka jaray, Maktabad cusub oo maamulku…

Wararka
February 27, 2020

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka cusub ee Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa maanta kulan muhiim…

GudahaWararka
June 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023