Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya Kenya iyo Mauritius oo ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya Kenya iyo Mauritius oo ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda
GudahaWararka

Soomaaliya Kenya iyo Mauritius oo ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 15, 2023
2 Min Read
Share

Addis Ababa-(SONNA)-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulamo miro dhalay la qaatay safiirka dalka Kenya Amb. D.Raj  Busgeeth iyo kan dalka Mauritius Amb. Jean Njeri Kamau ee dalka Ethiopia.

Kulamadaas ayaa ku qotomay adkaynta cilaaqaadka saddexda dal, iskaashiga iyo ka wada shaqaynta horumarka guud ahaan dalalka Gobolka Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Mauritius.

Safiir Warfaa, ayaa soo dhoweyn iyo hab-maamus waafqasan curfiga Diplomaasiyadda caalamka kala kulmay labada danjire ee Kenya iyo Mauritius, isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta ay ugu sameeyeen safaaradahooda Addis Ababa, sidoo kale wuxuu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, isagoo u iftiimiyey in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku guulaysatay tillaabooyin kala duwan oo ay u qaaday dhinaca kobcinta Dawlad-wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada, ayna muhiimad weyn u leedahay in dalalka Geeska Africa ay si buuxda u garab istaagaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Ambassador Warfaa ayaa dhiggiisa Kenya Ambassador Jean ku adkeeyey in labada Safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee dalkan Ethiopia ay sii xoojiyaan wada shaqaynta iyo iskaashiga maadaama ay wakiil ka yihiin dalal daris ah oo ay ka dhexeeyaan arrimo badan oo muhiimad weyn u ah horumarkooda iyo midka Geeska Africa.

Danjire Warfaa iyo Safiir D.Raj, ayaa dhankooda si wada jir ah u bogaadiyay xiriirka laba geesoodka soo jireenka ah ee ka dhexaaya Soomaaliya iyo Mauritius waxayna isla qaateen in lasii xoojiyo iskaashiga labada dal.

Danjirayaasha Kenya iyo Mauritius ayaa si buuxda u caddeeyey inay sii xoojin doonaan xiriirka iyo garab istaagga ay la leeyihiin Soomaaliya, ayna ku taageeri doonaan dedaalka ay Soomaaliya ugu jirto Dawlad-wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shiinaha oo ku biiraya xarunta COVAX ee ka hortagga Covid 19

Shiinaha ayaa si rasmi ah u saxiixday heshiiska ku biirista Xarunta COVAX ee ay hogaamineyso Ururka Caafimaadka Adduunka WHO, si…

Wararka
October 9, 2020

Safiirka Yuganda ee Soomaaliya: Ciidamada Yuganda waxaa ka go’an in ay fuliyaan waajibaadka hawlgalka ATMIS

Muqdisho –(SONNA)-Wakiilka gaarka ah ee Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire,…

GudahaWararka
June 6, 2023

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Madaxweynaha dalka Ciraaq

Baqdaad (SONNA): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha…

GudahaSiyaasaddaWararka
July 8, 2024

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS oo maanta kulan ku leh Xarunta Villa Hargeysa ayaa ka doodi doona mataalada Gobolka Banaadir

Muqdisho:(SONNA)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa ay Xarunta Villa Hargeysa ku yeelanayaan kulan…

Wararka
June 22, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023