Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay saldhigyadii Khawaarijtu ka soo duulaan tegi jireen (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay saldhigyadii Khawaarijtu ka soo duulaan tegi jireen (Warbixin)
GudahaWararka

Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay saldhigyadii Khawaarijtu ka soo duulaan tegi jireen (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 15, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka ayaa howlgall gaar ah ka fuliyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya gobollada Galguduud  iyo Shabeellaha Dhexe, howlgalkaas oo ahaa mid lagu baacsanayay haraadiga kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee howlgalka hoggaaminayay ayaa warbaahinta qaranka kula hadlay duleedka deegaanka Maraay-Suuleey, halkaas oo ay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada in muddo ku dhuumaaleysanyeen.

Sidoo kale, waxaa kooxda naflacaariga ah laga saaray dhul howd ah oo muddo ay ku jireen, halkaasina dadka shacabka dhibaato ba’an ugu geysaneysay.

Taliyaha Guutada 17-aad, Kumaandooska Gor-Gor, Saahid Jaamac Faarax, taliyaha Guutada Khaalid Bini Waliid Mukhtaar Xasan Tifow Shaah Macabe iyo Khaliif Cumar Macallin Nuur oo howlgalladan hoggaaminayay ayaa warbaahinta kula hadlay deegaanka Cidda-Kuus oo hoostaga deegaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Saraakiishan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab laga saaray deegaannada Hilowle-Gaab, Marey Suuleey, Cad-Caddeey, Baraag-Sheekh Caamir iyo sidoo kale, degmada Runir-Good oo in muddo Khawaarijtu ku sugneyd kana soo duulaan tegi jirtay.

Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu sugan yahay amniga deegaannada laga xoreeyay argagixisada, wuxuuna carabka ku adkeeyay firxadkooda halka uu sii marayo.

”  Howdkan oo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ayaannu ka saarnay, Ilaahey waa noo fududeeyay inaan howdka soo nadiifino, iyaga nooma babac dhigi karaan oo waa iska carareen, waanu daba joognaa waanu dabagaleynaa kama hareyno ilaa meesha ugu dambeyso oo gacanta ugu soo dhigno,”.

Dhanka kale, Khaliif Cumar Macallin Nuur oo warbaahinta kula hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay Khawaarijta ka saareen dhowl howd ah oo u badan halkii gabaadka ka dhigan jireen maleeshiyada iyo horjoogayaasha u baraaray gumaadka shacabka.

” Alle Mahaddii waxaa maanta inoo suurta gashay in ragga sida Efendariga u shaqeynayay Al-shabaab ugu galeen dhulka howdka ah kana saaraan dhul ballaaran, sida aan isku ogeyn waa guul ama geeri inshallah,” ayuu yiri geesi qaran Khaliif Cumar Macallin Nuur.

Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee la doonayo in Dalka looga xoreeyo ayaa hadda si rasmi ah u bilowday, waxayna argagixisadu bilaabeen durba in ay kala firxadaan oo deegaannada qaar oo geesiyaashu qaranka ku wajahan yihii maleeshiyada naflacaariga ah ka sii cararaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wejiga koowaad ee dagaalka lagu soo gabo-gabeyn doono degmada Ceelbuur, halkaasina lagaga dhawaaqi doono wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo bilaabanaya haddana qeyb ka mid ah ka socdaan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xafiiska bixinta Baasaboorka Degmada Hobyo oo dib loo howlgeliyay “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Agaasimaha Laanta 4aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee deegaannada Galmudug Mudane Maxamed Cabdullaahi Aadan ayaa maanta dib u…

GudahaWararka
December 16, 2021

Ra’iisul wasaare Xamsa “ficillada Itoobiya qaadayso waa kuwo qalqal gelinaya nabadgalyada iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Muqdisho(SONNA);-Ra'iisul wasaaraha xukuumadda faderaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbada ka jeediyay shir madaxeedka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Itoobiya…

GudahaWararka
September 28, 2024

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyey deegaanka Daynuunaay ee gobalka Baay

Baydhabo (SONNA):- Hawlgal qorsheysan oo ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaanka Daynuunaaye ee gobolka Baay ayaa lagu…

GudahaWararka
December 4, 2023

Taliyaha cusub ee guutada ilaalada madaxtooyada oo xilka la wareegay

Muqdisho (SONNA): Taliyaha cusub ee Guutada Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/dhexe Maslax Maxamuud Maxamed ayaa si…

GudahaWararka
April 8, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023