Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    January 30, 2026
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Al-shabaab oo duurka ka soo firxanaya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Al-shabaab oo duurka ka soo firxanaya (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Al-shabaab oo duurka ka soo firxanaya (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 9, 2023
6 Min Read
Share

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa howlgal gaar ah ka fuliyayย  deegannada Maraay Suuleey, Shiikhoow gaab, Hilowle gaab, Ciid Kuus iyo Xuseen Cageey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe, Ciidamada oo ka soo baxay Degmada Ceeldheer ayaa Khawaarijta ka sifeeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Ceeldheer, waxaana lagu burburiyay saldhigyadii Arxan laawayaasha ee dhulkaasi muddo ku dhuumaaleysanayay.

Howlgalka waxaa hoggaaminaayay Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka Deeganka sida Khaliif ย Cumar Macallin Nuur, dhamme Qeeyla-wayne iyo Taliye dhamme, Fanax Ul-weyne. Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in howlgalka ay sii wadayaan inta dhulka carra-gaduudka ah laga sifeeynayo Khawaarijta.

Haddaba waxaa isa soo taraya in Khawaarijta ay Duurka isku heyn waayeen, kuwaasi oo bilaabay inay isku soo dhiibayaan Ciidamada Qaranka, waxaana ka mid ah kuwa isa soo dhiibay Maxamed Coloow Maxamed oo magaciisa afgarashadu yahay Mascuud, khawaarijtana ka tirsanaa mudo dhan 8-sano ayaa saakay isku soo dhiibey guutada Khaalid Binu-waliid ee fadhigeedu yahay deegaanka Daaru-Nimca ee xadka kala qeybiya gobolada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud, waxaana xaqiijiyay isa soo dhiibiddaasi Taliyaha guutada Khaalid Binu-Waliid G/le Maxamed Dhagaweyne, wuxuuna ย Warbaahinta Qaranka u sheegay isa soo dhiibida dhagarqabahan, isagoo intaasi ku daray in ay isi soo tarayaan xubnaha khawaarijta ee duurka ka soo firxanaya.

Taani waxay caddeyn u tahay in uu soo food saaray culeys aad iyo aad u weyn Maleeshiyaadka iyo Horgalayaasha Argagixisada ah ee Khawaarijta, kadib markii ay Cidamada Xoogga Dalka, kuwa dib u xoreynta Deegaannada {Macaawisleeyda), Wadamada Safka hore iyo Saaxiibada Caalamka ay si wadajir ah dagaal adag ku hayaan, waxaana Degmooyinka Ceel-buur iyo Galhareeri iyo Deegaannada ku xeeran ay Ciidamadaasi afar jiho kaga soo dhaqaaqeen, taasi oo ujeedadu tahay in si dhaqsi leh dib loogu xoreeyo Degmooyinkaasi oo muddo ka badan 15 sano ay Khawaarijtu Ukumo dhigteen, iyadoo ay jirtay in Horjooge muhiim u ahaa Kooxda Khawaarijta ah uu dhawaan iska dhiibay Deegaan ku dhow Guriceel, kaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda, muddo badanna ku jiray dhibaateynta Shacabka.

Dhinaca kale Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen xarun weyn oo ay lahaayeen khawaarijtaย  talaadadii shalay aheyd, taasoo ku taalayย  deegaan dhaca galbeed magaalada Buulo-Barde ee gobolka Hiiraan. Howlgaan oo ka dhacay deegaanka Mukayle ayay ciidanka Qaranka ku beegsadeen xarun weyn oo ay dhigtaan Khawaarijtu Gaadiidka dagaalka, Baabuurta ay ku qaataan maleeshiyaadka u dagaalamaya, kuwa ay ku adeegtaan iyo Baabuur ay u isticmaalaan Qaraxyada, taasi oo la fasari karo inay aheyd goobtaasi Xaruunta Bar kulan iyo u kala qeybinta Gaadiidka Khawaarijta.

Ciidanka ayaa howlkaas ku burburiyey xarumtii bartilmaameedka aheyd, iyagoo qaarijiyay 25 ka mid ahayd khaawarijta,waxaa ku jiray horjooge Magaciisa lagu sheegay Ibraahim dheer oo ka tirsanaa qeybta Gaadiidka ee Argagixisada Al-shabaab, waxaa kale oo jirta in inta uu socday howlgalka waxaa lagu burburiyay 16 Gaari oo isugu jiray baabuurta nuuca la saaro qoryaha waaweyn sida suuga, Cabdi bilayaal (Toyota Land Cruiser iyo Gawaarida Soomaali u taqaal Hoomeyga (Mini Bus) oo u ahaa kuwa ay ku qariyaan Qaraxyada iyo Maleeshiyaadkooda, Madaama aysan u fududeyn in Gaadiidka dagaalka ay saaraan.

Sida ay xog nagu siiyeen heyโ€™adaha Amaanka xarunta ay ciidanku howlgalka ka fuliyeen ayaa aheyd halka ay isugu yimaadaan Gaadiidka gaarka ah iyo midka dagaalka ooย  ay adeegsadaan khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa gobolada Hiiraan, Galgaduud, iyo Shabeellada dhexe, waxaa kaloo ay Ciidanka howlgalka fuliyay ay cagta mariyeen goob isbaaro u aheyd maleeshiyaadka khawaarijta oo bulshada ay ku dhibi jireen.

Jabka xooggan ee soo gaaray khawaarijta ayaa sababay in dadka iyo Gaadiidka ay ka celiyaan nawaaxiga uu howlgalku ka dhacay si ay u qariyaan baaxada dhibka gaaray, waana u caado Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab. Sabtigii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidanka Qaranka ayย  howlgal weyn ka fuliyeen xarun ay ku shir-sanaayeen horjoogayaal ka tirsan khawaarijta sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo gaarayey 120 isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal khawaarijta uga dhaawacmay howlgalada ka socda gobolada ay ku dhuumaalaysanayeen, sida Hiiraan, Shabeellada dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Howlgalkaan muxuu uga duwan yahay kuwii hore?, โ€œHowlgalkaan waa ka mug iyo baaxad weyn yahay howlgaladdi hore laba arrimood awgood, waa tan hore waxaa lagu soo Afjarayaan ย dhameystirkii Wejiga 1-aad ee Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ee ku aadan Degmooyinka Ceel-buur iyo Galhareeri iyo tan labaad oo ah inuu hoggaaminayo Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliayaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sidaโ€, sidaasina waxaa yiri, Prof. Cusmaan Cali yuusuf oo ka faalooda arrimaha Ciidamada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya

MUQDISHO(SONNA):-Sarreeye Guuto Elio Manes ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay xilka Taliyaha Howlgalka…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Meel marinta afarta Cutub ee Dastuurka iyo Guullaha is daba jooga ah ee DFS

Muqdisho(SONNA):-Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey afarta cutub ee dib u eegista, wax ka badelka iyo…

GudahaWararka
March 30, 2024

Wasiirka Cadaaladda oo daah furay kulan looga hadlayo maqaamka caasimadda

Muqdisho(SONNA):-Kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa…

GudahaWararka
July 22, 2024

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Khamiis

Muqdisho(SONNA):'Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Khamiis, 4-ta July 2024 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud…

GudahaWararka
July 4, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa: in ka badan 215 goobood oo kala duwan ayaa lagu xoreeyey khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo 22 Agoosto ka qeyb-galay kulan dadweyne oo suโ€™aallo lagaga waydiinayey…

GudahaWararka
August 24, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023