Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: “ Galmudug Maanta waa u Guul, Gafuurra-duubna waa Go’een” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > “ Galmudug Maanta waa u Guul, Gafuurra-duubna waa Go’een” (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

“ Galmudug Maanta waa u Guul, Gafuurra-duubna waa Go’een” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 6, 2023
5 Min Read
Share

Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug ayaa dhawaan lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhameystirka Wejiga koowaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaannada ay ka joogaan Galmudug.

“Halkaani waa Gobalka Galguduud, goobtu waa nawaaxiga Dhuusamreeb, Goortu waa Barqanimadii Maanta, Dadku waa Shacabka Deegaanka, ujeedka ay Hubka u sitaan waa in ay Khawaarijta ku harsan qeybo ka mid ah Gobalka iska suuliyaan, si ay u dhamaystiraan halganka Khawaarijdiidka ah ee ay soo wadeen ilaa sanadkii 2009-kii”, sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, mar uu ka hadlaayay Ciidamo kuwa Deegaanka ah ee lagu soo bandhigay Duleedka Magaaladaasi Ciidan Macaawisley ah iyo Hubkooda. “Neecaaw ku fidda Dalka oo dhan ayaa kasoo socota Galmudug insha allaah”, ayuu sii raaciyay Wasiir ku xigeenka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlaayay dhameystirka Wejiga 1-aad ee dagaalka lagula jiro Maleeshyaadka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa yiri:- “Guushu waa ay dhowdahay, mar dhowna waxaa laga dabaaldegi doonaa deegaanno khawaarijtu ay ukumaha dhigatay, xooggna ku heysatey 16kii sano ee u dambeeyay oo dib loo xoreeyay. Dagaalka lagu soo afjarayo Haraadiga Khawaarijta ee deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle ka dhiman, waxaana hoggaaminaya taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud”.

“Dagaalkaan Khawaarijta lagula jiro nasasho ma lahan ka laabashana ma lahan. Guulo waaweyn ayaa soo socda insha Allah”, sidaasina waxaa yiri  Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Falanqeeye arrimaha Caalamka oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Qeybteeda Warbixinnada u waramayay ayaa ku sheegay Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab dhul fasahaadiyayaal loo baahan yahay in loo suuliyo sidii Naazigii Hitler, “Duulaanka Dowladda ee Degmada Ceelbuur, waa mid u eg kii D- Day ee Xeebaha Normandy ee Cariga Faransiiska ee dhacay Bishii Juun 6-deedii sanadkii 1944-kii ee Xooggagii Isbaheysiga iyo maalmihii Xiddigii NAZIGII Jarmalku dhacay”, sidaasi waxaa yiri:-  Macallin Salaad Guutaale.

Si Dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab loo dardargaliyo ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ay u gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah.

Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya dib u xoreynta Deegaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hurayaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Khawaarijta, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inta uusan gaarin Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayay dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka lagu cirib-tirayo Argagixisada, waxa uuna xusay in Shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaannada la xoreeyay, wuxuuna ku bogaadiyay laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin bed-qabka nololeed iyo mid hantiyadeed muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka ku yihiin Argagixisadu, waxa uuna ku adkeeyey Shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidankooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Magalada Ceelbuur ayaa sheegaya in  Barakac aad u ballaaran ka bilowday magaaladaasi, iyadoo ay jirto in Ciidanka Dowladda uu Afar Jiho kaga soo ruqaansaday, halka Kooxda Khawaarijtuna ay Dadka ku qasbayaan inaysan ka bixi Karin Magaalada, iyadoo la sheegayo in Madaxweyne Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud uu u qabtay 10 Maalmood in lagu so Af jaro Dagaalka Wejiga 1-aad, si loogu gudbo Wejiga 2-aad.

Ugu dambeyntii waxa aan warbixintan ku soo afmeerayaa “ Galmudug Maanta waa u Guul, Gafuurra-duubna waa Go’een”, sidaasina waxaa Murti ku sheegay Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, ahna Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre-ka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Buurhakaba (SONNA) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Garoon…

GudahaWararka
September 7, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta

Abu Dhabi-(SONNA)-Taliyaha ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi…

GudahaWararka
January 10, 2023

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane  xildhibaan Cali Yuusuf Cali - Xoosh iyo mas'uuliyiin…

GudahaWararka
May 13, 2024

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo loo doortay madaxa Ergadda Afrika ee Nairobi

Nairobi-(SONNA)-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee UNON, UNEP & UN-Habitat, Mudane Jabriil Ibraahim…

GudahaWararka
June 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023