Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee dib u eegsita iyo hirgelinta Dastuurka Avv. Burhaan Aadan Cumar oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka guddiga mudane Maxamed Xasan Idiris ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka maalin laha ah ee guddiga oo diirada lagu saaray sidii luuqad Dastuuriya loogu badeli lahaa heshiisyadii madasha wadatashiga Qaran ay gareen oo guddigu la wareegay 26-kii bishan, iyagoo kala wareegay guddiga Dastuurka baarlamaanka JFS.
Xubnaha guddiga oo ahmiyadda 1-aad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka Dastuurka KMG ah ayaa maalmahan waday ka shaqaynta iyo wax ka badelka cutubyada 1-aad Ilaa 4-aad ee Dastuurka KMG isla-markaana cutubyada hore ee Dastuurka loo horgeyn lahaa laanta sharci dajinta dalka si ay waajibaadkooda uga gutaan.