MUQDISHO-(SONNA)-Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa maanta xafiiska ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed (Doodishe) iyo wasiiru dowlada wasaaradda Maxamed Cali Xagaa.
Guddiga Amniga iyo Difaacaย Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadka ka saran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hayโadaha Dowladda ayaa kulanka ay maanta la qaateen Masโuuliyiinta Wasaaradda Amniga, waxaa la isku dhaafsaday suโaalo iyo warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda, taasย oo uu wasiirku si faahfaahsan xubnaha Guddiga warbixin uga siiyay ugana jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen.
Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaacaย Aqalka Sare Senator Adam Abdinasir oo kulanka Shir gudoominayay ayaa masโuuliyiinta Wasaaradda Amniga uga mahad celiyay sida togan oo ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda, iyadoo la isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo dardar geliyo shaqada Qaranka.