Nairobi (SONNA): Wasiirada wasaaradda xanaanada xoolaha dowladda FS mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeyb galay daahfurka mashruuc kor loogu qaadayo waxsoo saarka xoolaha, kaas oo ay ka faa’iidaysanayaan qaar ka mid aha wadamada gobolka geeska Afrika.
Mashruucaan oo ay ka faaโiideysan doonaan xoolo dhaqatada wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa xoola-dhaqatada dalalkan ka saacidi doona iskaashiga iyo kordhinta waxsoo-saarka xoolaha.
Daahfurka waxaa goob joog ahaa qaar kamid ah saaxiibada Beesha caalamka ee dalalkan, gaar ahaan Safiirka dowlada Switzerland, wakiilo ka socdey hayโadaha ka shaqeeya arrimaha xoolaha iyo marti sharaf kale.