Dawladda Soomaaliya waxa ay cagta ku haysaa waddada ay ku xaqiijinayso ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Dayn-cafinta,3 qaadista cunaqabataynta Hubka,4-Dagaalka Musuqa,5-geediga-Dimuquraadiyadda.
Sidaasi awgeed Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa qorshe qabyo ah oo la sheegay in Golaha Amaanka ee Qaramada Modoobay uu horey ugu rogay Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya kadib markii 1992-uu Dalka ka qarxay Dagaalka sokeeye, Rabshadihii Hogaamiye Kooxeedyada Dalka iyo kooxihii Hubeysnaa ee Ururo-Diimeedyada.
Ku darsoo Dalku wuxuu leeyahay Xeeb dheer iyo xuduudo iska furan maadama ay burburtay Dowladii Dalka ka jirtay, iyadoo qeybaha kor ku xusan ay fursad u heleen inay noocyada hubka kala soo degaanka, taasoo sii dheereysay Colaada isla markaasna laga cabsaday inay ku fidaan Dalalka Deriska. Sanadkii 2013-kii ayay Golaha Amaanka ee UN-ka ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in qeyb ahaan la qaado xayiraadii saarneyd muddo sanad ah, wuxuuna qaraarkaan u saamaxay Dowladda Federaalka inay soo iibsayo Hubka noocyada dhexe iyo kuwa fudud, si ay uga caawiso inay Dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagixisada iyo in Ciidamadeeda xagga Amaanka hormariyaan.
Waxaa dhamaadka sanadkaan lagu wadaa in Golaha Amaanka ay shir ka yeeshaan sidii loogu oggolaan lahaa in Dowladu soo iibsato Noocyada Taangiyada, Hoobiyaha dhumucdiisu gaareyso 120-mm, noocyada Drones-ka, Diyaaradaha, Maraakiibta Dagaalka noocyada Sawaariiqda iyo lidka diyaaradaha.
Waxaa kaloo jirta in kulan looga hadlayay howlgalka wadajirka ah ee dowladaha safka hore lagu qabtay xarunta ciidanka howlgalka wadajirka ahย ee Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka howlgalka wadajirka ah ee Doowladaha Safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bariise, Abaanduulaha iyo ku xigeenkiisa dhanka Lojistikada ee Howlgalka, Safiirka ku xigeenka dowlada Mareekanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Timothy Trenkle, U qeybsanaha Arimaha Siyaasada iyo U qeybsanaha Arimaha Ciidanka ee Safaarada.
Kulaanka ayaa looga Hadlay arrimo badan ay ka mid yihiin:
- Ahmiyada Howlgalkaan iyo sidii Dowlada Mareykanka uga qeyb qaadan laheyd.
- la dagaalanka dhibaatada Khawaarijta khatarta ku ah Dowladaha Gobolka iyo kuwa Caalamiga.
- Qorshaha diyaar garowga iyo meelaha ay wax maraayaan.
- Muhiimada ay leedahay abaabulka iyo ka qeyb galka bulshada (Community Engagement) iyo ilaalinta dadka rayidka (Protection of Civilian).
- Muhiimada ay leedahay Xasilinta (Estabilisation).
Dhinaca kale Ilo Diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Dowladda Maraykanka ay dhawaan marti gelin doonto Kulan Qaaraan loogu uruurinaayo Ciidamada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan ilaa 6-Dal oo ay ku jiraan Midowga Yurub, kaasoo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Newyork ee Wadanka Maraykanka bisha Septembar ee sanadkan, marka uu bilowdo shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ka dhici doon Magaalada New Yorka
Warkaan oo laga soo xigtay ย Saraakiil Shisheeye oo daneynaysa arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Yabooha kaalmadaan ay si gaar ah u khuseyso Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo lagu wado inay ka soo qeyb galaan Kulanka Dalalka USA, Qatar, UAE, Turkiga, Sacuudiga iyo Dalalka ku bahoobay Midowga Yurub, waxaana lagu wado in Qaaraankasi uu Soomaaliya gaarsiin karo haddii la helo, baahida Qalab iyo Saad ee Ciidamada Federaalka ilaa Sanadka 2027-ka.
Ciidamada Dowladda ilaa 2006-dii dagaal kula jirtay Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo kooxdani laga saaray Magaalooyinka waaweyn, balse weli maamula degaanno Baadiyaha ah, abaabul ay Ciidamada Dowlada oo kaashanaaya Xoogagga ย Maxali ah oo soo bilaawday sanadkii tagay (2022-kii), Iskaashigaan ayaa suurto geliyay in Degaanno badan laga xoreeyo kooxda Khawaarijta ah ee Shababka.
Kooxdaan oo cadaadis kaga imaanaya Gulufka Ciidamada Dowlada ayaa kaga jawaabay qorshe laba afle ah, waa marka hore waxay isku dir ka dhex bilaabeen Beelaha dhexdooda, iyagoo ku taageeray Beelaha qaarkood Hub iyo Rasaas, si loo masquuliyo dagaalka ay kula jiraan Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Al-shabaab.
Wararkii ugu dambeeyayCiidanka kumaandooska Xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ayaa maanta howlgal ka dhan ah kooxda khawaariijta ah ka sameeyay deganno dhowr ah oo hoos yimaada dagmada galcad ee gobolka Galgaduud.
Degannadaasi oo kala ah Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo dhulka Howdka ah ee udhaxeeya Cowsweyne iyo Baraagta Sheekh Caamir oo dhanka bari 33km kaga beegan degmada Galcadย ayay ciidankuย burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku dhuumaleysaneen iyo miinooyin ay la damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah oo ay ku diyarinayeen degaannadaasi, iyadoo Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan oo la hadlay Warabaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka war heleen dhagarta khawaarijta ay u soo maleegayaan Shacabka,islamarakan ay ciidamadu ay ka hortageen.