Luuq-(SONNA)-Madaxwayne kuxigeenka dowlad goboleedka Jubbaland mudane, Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga guud ee gobolka Gedo oo lagu qabtay degmada Luuq.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaanno katirsan baarlamaanka dowladda federaalka Soomaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland, maamulka gobolka Gedo, kan degmada Luuq, saraakiisha laamaha amniga degmada iyo kuwa nabad ilaalinta ATMIS.
Shirka ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaray sare u qaadista la dagaallanka malleeshiyada Al-shabab iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee gobolka Gedo.