Muqdisho-(SONNA)- Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah-faahiyay malleeshiyaadkii dhowaan ay ciidanka xoogga dalku ka dileen khawaarijta.
General, Caanood ayaa sheegay in todobaad gudihiis howlgallo gobollo kala duwan ka dhacay lagu dilay 200 oo Khawaarij ah tiro intaas ka bandanna loogu dhaawacay.
Afhayeenka oo ka hadlay howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay inta u dhexeysa gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe loogu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah oo ay ku jiraan laba horjooge.
Ciidanka xoogga ayuu sheegay in howlgallo ay bishan gudaheeda ka sameeyeen gobollada Jubbooyinka Galgaduud iyo Shabeellada dhexe ay khawaarijta ugu geysteen jab xooggan kana laayeen horjoogayaal sar sare.
Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa intaa ku daray in uu dhowaan billaaban doono wejiga labaad ee howlgalka lagu sifeynayo khawaarijta, wuxuuna xusay in haddii ay shacabka Soomaaliyeed garab ku siiyaan Ciidankooda aan loo baahnaan doonin weji saddexaad.