Muqdisho-(SONNA)-La taliyaha amniga Qaranka , Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic.
La taliyaha oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadkii hore markii ay QM cusbooneysiisay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya la qafiifiyay shuruudaha, wuxuuna xusay in loo oggolaaday in ay DF soo iibsan karto hubka qaarkiisa taasina ay ka faaโiideysatay dowladda siย khawaarijta loo ciririb tiro.
โHub waaweyn oo aan horay loogu oggolayn Soomaaliya ayaan sanadkii la soo dhaafay soo gadannay, hadday ahaan lahayd Helocoptarro, Zuugagga iyo Artelleriyada qaarkood ayaan farsamooyinka na loo oggol yahay ku keensannay dalkaโ.
Mudane, Xuseen Macallin ayaa intaa raaciyay in ay dowladdu ku howlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada qeybaha kala duwan ee Ciidanka XD, si ay Soomaaliya ugu filnaato ilaalinta xudduudaheeda Badda iyo berrigaba.