Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 3-aad  
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 3-aad  
GudahaMaqaallada

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 3-aad  

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 16, 2023
6 Min Read
Share

Dagaalka ay Dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray dad lagu eedeynayo xatooyo hanti Dadweyne, sida uu caddeynayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaana jira in seddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad 40 ruux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida Warbaahinta Qaranka ay ogaatay.

Afartanka Ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh iyadoo ay jiraan kuwa baxsad ka ah sharciga oo ku jira liiska la doon doonayo.

Haddaba iyadoo ay jiraan  Olole ka dhan ah la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku booriyay shaqsiyaadka wajahaya Eedeymaha in ay hortagaan sharciga oo ay iska difaacaan Eedaha loo haysto.”Ha cararin haddii aanad tuug aheyn oo aadan waxba xadin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh. “Inaad maxkamadda hor istaagto oo aad caddeyso inaadan wax dambi ah laheyn maaha dembi”, ayuu sii raaciyay hadalkaasi oo ka jeediyay Masjidka Shuhadada Jimcihii la soo dhaafay.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta la dagaalanka musuq-maasuqa, isagoo ku dhiirigeliyay shaqsiyaadka inay wajahaan dacwado sharci ah, halkii ay ka carari lahaayeen, wuxuu u diray fariin adag oo ku saabsan sida ay dowladda uga go’an tahay ciribtirka musuqa maasuqa iyo horumarinta cadaaladda, maadaama ay Dowladdu wadda dadaallo ay ku dooneyso in la helo isla xisaabtan daahfuran si loo abuuro kalsooni ay shacabku ku qaban hey’addaha dowladda iyo cadaaladda, Maadaama Soomaaliya ay ku sii socoto waddadii ay ku gaari laheyd xasilloonida iyo horumarka, taasi oo door muhiim ah ka ciyaari doonta qaabeynta mustaqbalka dalka.

Madaxweyne  ayaa xusay in ay muhiimadda  gaar ah leedahay in laga wada shaqeyo sidii loo soo afjari lahaa Musuqa maasuqa, isagoo si gaar ah ugu baaqay Culima’udiinka in ay door firfricoon ka qaataan wacyigalinta bulshada ee ka dhanka ah  musuq maasuqa, wuxuuna dhammaan muwaadiniinta ku booriyay in ay ka qaataan kaalintooda dhismaha mustaqbalka wanaagsan ee dowladnimada Soomaaliya.

Haddaba Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqmaasuqa?

Dabayaaqadii Abriil-2023-ka dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal ka dhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa ka mid ah garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho oo bixiya adeegyo kala duwan oo muhiim ah.

Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada Ajaaniibta oo ka mid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyay isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan, kaasi oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii ka horreeyay, taasi oo muujineysa dadaalka dowladdu ugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.

Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed xog kooban oo aan helnay, taasi oo isgarab dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaasi adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay ee sanadkaan 2023-ka.

Tusaale:- Bishii January ee sanadkan waxaa uu xafiiska Fiise kordhinta uu qabtay lacag dhan $423kun 950, halka fasaxa shaqada Ajaaniibta iyana laga qabtay isla bishaasi lacag dhan $036kun iyo 500.

Bisha       Kordhinta Fiisaha.

January         $423,950.00.

February        $375,530.00.

March            $268,840.

April.             $231,460.

May               $361,470.

June              $480,550.

halka Dakhliga ka soo xarooda Fasaxa Shaqaalaha Ajaaniibta uu ahaa sidan:-

Bisha                 Fasaxa shaqada

January                   $036,500

February                  $071,160

March                      $78,770

April.                       $219,290

March                      $386,060

June                        $340,730

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyay isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ayay dowladdu heli kartaa dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne, islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

La soco qeybta 4-aad

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Al-shabaab oo ay uga dhammaatay Galmudug (WARBIXIN)

Deegaannada hoos yimaada Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa todobaadkaan waxaa ka socday abaabul, kaasi oo la doonayo in dib loogu…

GudahaMaqaallada
August 12, 2023

Ankara oo lagu soo gabagabeyey Shirkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

Ankara 12 December 2024: Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip…

GudahaWararka
December 12, 2024

Agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka oo laga sagootiyey xarunta hay’adda

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan sagootin ah ugu sameeyay…

GudahaWararka
December 18, 2024

Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta xeer-nidaamiyaha xargaha Fiberka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay kulan looga hadlay u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda. Kulanku waxa…

GudahaWararka
August 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023