Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha
    May 13, 2025
    Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada 
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulantay danjiraha Turkiga
    May 13, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
    May 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 3-aad  
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 3-aad  
GudahaMaqaallada

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 3-aad  

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 16, 2023
6 Min Read
Share

Dagaalka ay Dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray dad lagu eedeynayo xatooyo hanti Dadweyne, sida uu caddeynayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaana jira in seddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad 40 ruux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida Warbaahinta Qaranka ay ogaatay.

Afartanka Ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh iyadoo ay jiraan kuwa baxsad ka ah sharciga oo ku jira liiska la doon doonayo.

Haddaba iyadoo ay jiraan  Olole ka dhan ah la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku booriyay shaqsiyaadka wajahaya Eedeymaha in ay hortagaan sharciga oo ay iska difaacaan Eedaha loo haysto.”Ha cararin haddii aanad tuug aheyn oo aadan waxba xadin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh. “Inaad maxkamadda hor istaagto oo aad caddeyso inaadan wax dambi ah laheyn maaha dembi”, ayuu sii raaciyay hadalkaasi oo ka jeediyay Masjidka Shuhadada Jimcihii la soo dhaafay.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta la dagaalanka musuq-maasuqa, isagoo ku dhiirigeliyay shaqsiyaadka inay wajahaan dacwado sharci ah, halkii ay ka carari lahaayeen, wuxuu u diray fariin adag oo ku saabsan sida ay dowladda uga go’an tahay ciribtirka musuqa maasuqa iyo horumarinta cadaaladda, maadaama ay Dowladdu wadda dadaallo ay ku dooneyso in la helo isla xisaabtan daahfuran si loo abuuro kalsooni ay shacabku ku qaban hey’addaha dowladda iyo cadaaladda, Maadaama Soomaaliya ay ku sii socoto waddadii ay ku gaari laheyd xasilloonida iyo horumarka, taasi oo door muhiim ah ka ciyaari doonta qaabeynta mustaqbalka dalka.

Madaxweyne  ayaa xusay in ay muhiimadda  gaar ah leedahay in laga wada shaqeyo sidii loo soo afjari lahaa Musuqa maasuqa, isagoo si gaar ah ugu baaqay Culima’udiinka in ay door firfricoon ka qaataan wacyigalinta bulshada ee ka dhanka ah  musuq maasuqa, wuxuuna dhammaan muwaadiniinta ku booriyay in ay ka qaataan kaalintooda dhismaha mustaqbalka wanaagsan ee dowladnimada Soomaaliya.

Haddaba Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqmaasuqa?

Dabayaaqadii Abriil-2023-ka dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal ka dhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa ka mid ah garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho oo bixiya adeegyo kala duwan oo muhiim ah.

Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada Ajaaniibta oo ka mid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyay isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan, kaasi oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii ka horreeyay, taasi oo muujineysa dadaalka dowladdu ugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.

Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed xog kooban oo aan helnay, taasi oo isgarab dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaasi adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay ee sanadkaan 2023-ka.

Tusaale:- Bishii January ee sanadkan waxaa uu xafiiska Fiise kordhinta uu qabtay lacag dhan $423kun 950, halka fasaxa shaqada Ajaaniibta iyana laga qabtay isla bishaasi lacag dhan $036kun iyo 500.

Bisha       Kordhinta Fiisaha.

January         $423,950.00.

February        $375,530.00.

March            $268,840.

April.             $231,460.

May               $361,470.

June              $480,550.

halka Dakhliga ka soo xarooda Fasaxa Shaqaalaha Ajaaniibta uu ahaa sidan:-

Bisha                 Fasaxa shaqada

January                   $036,500

February                  $071,160

March                      $78,770

April.                       $219,290

March                      $386,060

June                        $340,730

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyay isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ayay dowladdu heli kartaa dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne, islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

La soco qeybta 4-aad

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Banku (SONNA): Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii…

May 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

DHAGEYSO:-Warbixin ka hadlaysa wax ka bedelka iyo dib u Eegista Dastuurka

Muqdisho,(SONNA):- Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay ka doodista Arrrimaha la xiriirah Dastuurka ku meel gaarka ah JFS 12-kii bishii Febaraayo…

GudahaWararka
March 28, 2024

Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa dalka oo Shirka caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-maasuqa kaga qayb galay Masar

SONNA (QAHIRA)- Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaaladda…

GudahaWararka
December 13, 2021

Ciidanka qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah oo burburiyey xaruntii Kaydka Hubka khawaarijta ee Galgaduud

(SONNA):-Howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka, Hay’ada Nabad Sugida iyo Saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay deegaannada kala Jacar iyo…

GudahaWararka
February 1, 2024

Duqa Muqdisho oo qaabbilay wafdi ka socda IOM

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiska kula kulmay wafdi uu hogaaminayo madaxa hey’adda…

GudahaWararka
February 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023