Gaalkacyo-(SONNA)-Duqa koofurta degmada Gaalkacyo mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale ayaa ka daahfuray Gaalkacyo Mashruuc sare loogu qaadayo waxbarshada carruurta.
Mashruucaan oo ah mid looga gol leeyahay kobcinta maskaxeed uu ubadka lana jaanqaadeysa waxbarshada casriga ah iyo Teknoolajiyadda ayaa waxaa ka daahfuray magaalada Gaalkacyo Duqa degmada Galkacyo.
Safiyo Yuusuf oo ah madaxa mashruucaan ayaa xustay in mashruucan ay ka faaโiideysan doonaan carruur Soomaaliyeed.
Isku duwaha Wasaaradda awqaafta Galmudug ee dagmada Gaalkacyo, Macallin Qaasim ayaa isna sheegay inuu ka mahadcelinayo cidkasta oo hirgelisay mashruucan.
Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa bogaadiyay mashruucaan isagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in meeshii ugu horeeysay ee laga bilaabo dalka iney noqoto Gaalkacyo
Mashruucaan ayaa ah sida muuqata mid ahmiyad weyn u leh jiilka soo koraya maadaama dunidu ay usii badaneyso isticmaalka aalado casri ah marka loo eego bar biloowga mashruucaan oo markii u horeysay soo gaaray dalka.