Muqdisho (SONNA): Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Dr. Axmed Cabdi Adan ayaa maanta magaalada Muqdishu ka furay tababar ku saabsan maareynta iyo Isuduwidda hawlaha baniaadanimo ee xeryaha barakacayaasha ee dalka ku firidhsan, kaas oo loo qabtay qaar ka mid ah hawlwadeenada hay’adda.
Furitaanka tabarbarkan ayaa waxaa qqaybgalay madaxa hay’adda UNHCR ee Sooomaaliya Mr. Magatte Guisse, Iskuduwaha kutlada CCCM ee (UNHCR) Mr. James Macharia iyo Xiriiriyaha kutlada CCCM ee (IOM) Cali-Ismaciil iyo mas’uuliyiin kale.
Tababarka oo ay qabanqaabisay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa ujeedkiisu yahay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee hawlwadeenada hay’adaha dawladda, tababarka.
Guddoomiye ku xigeeenka SoDMA Dr. Axmed Cabdi ayaa u mahadceliyey hay’adaha UNHCR iyo IOM oo si gaar ah ugu hawlan taakulaynta dadka barakacayaasha, islamrakaana ku booriyay ka qaybgalayaasha in ay si mug iyo miisan leh uga faa’iidaystaan tababarka iyo inay si firfircoona uga qaybqaataan, ugana qaybgalaan doodaha mirodhalka ah oo ay isweydaarsadaan khubarada tababarka bixinaya, Guddoomiye kuxigeeenka SoDMA ayaa xusay in ay muhiim tahay in si fiican loogu kuurgalo caqabadaha ku gadaaman xal u helidda dhibaatooyinka barakacayaasha iyo sidii loo dajin lahaa istaraatiijiyada xal waara looga gaadhi lahaa masiiibada Qaran ee ka dhalan karta xaaladaha bani’aadanimo ee sababi karaan barakacayaashu.