Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: La Dagaalka Khawaarijta waxaa barbar socda xasilinta Deegaannada la xoreeyay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > La Dagaalka Khawaarijta waxaa barbar socda xasilinta Deegaannada la xoreeyay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

La Dagaalka Khawaarijta waxaa barbar socda xasilinta Deegaannada la xoreeyay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 17, 2023
6 Min Read
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay markii uu ku guuleystay markii labaad sanadkii hore inuu ka adkaaday Al-Shabaab ay tahay muhiimada ugu weyn ee dowladda.

Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku baaqay in la kordhiyo abaabulka maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaan “Macaawisley” si loo dhameystiro howlgallada ay wadaan ciidamada Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo xulafada kale. “Waxaad noqotaan Shabaab amaba kan la diriraaya al-Shabaab, mana jiraan wax u dhexeeya,” Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku yiri khudbad uu ka jeediyay telefishinka.

Dawladdu waxay siisaa maleeshiyo beeleed taageero saadka, cunto iyo taakuleyn caafimaad. Muhiimadda Qabiiladu waxay tahay, waxay isku xiraan ciidanka iyo dadka deegaanka waxayna muujinayaan inay yihiin qaybo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee u soo jeesteen al-Shabaab sidii ay ula dagaalimi lahaayeen, sida ay sheegtay kooxda xasaradaha Caalamiga ah.

Madaxweyanah awaamiirtiisa iyo sida ay uga go’an tahay “dagaalka guud” ee ka dhanka ah al-Shabaab “wuxuu bilaabayaa inuu kasbado kalsoonida odayaasha beelaha waaweyn iyo beelahooda iyo sidoo kale saaxiibada caalamiga ah,” sida ay Liibaan Obsiiye iyo Liibaan Xuseen ku sheegeen maqaal lagu daabacay Doodaha Afrikaanka. “Iskaashigan xoojinta ah waa waxa sii xoojinaya dagaalka iyo gaarsiinta guul midba midka kale ka soo gaarta goobta dagaalka,” Obsiiye iyo Hussein ayaa qoray. Baaqa Xasan Shiikh Maxamuud ee ficilka ayaa keenay natiijooyin deg-deg ah.

Weerarkii ugu horreeyay ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ku hareereysan caasimadda dalka ee Muqdisho. Intii uu socday dagaalkaasi, oo socday Agoosto 2022-kii ilaa Janaayo 2023-ka, Ciidanka Soomaaliya ayaa xoreeyay 70 Deegaanno, waana qiyaastii  Weerarka dib ula wareegay seddex meelood meel dhulka ay ka taliso al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in wejigii koowaad ee weerarrada lagu dilay 3,000 oo maleeshiyo Al-shabaab ah, in ka badan 3,700 oo kalena lagu dhaawacay, kuwaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka gurmad u fidiyay dagaalyahannada “Macaawisley” oo qaarkood ay yihiin dad da’ ah.

Haddaba maxaa uga qorsheysan Dowladda Soomaaliya Deegaanadaasi dib loo xoreeyay?

Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaarisay qorshayaal la magac baxay Barnaamijka Xasilinta iyo dowlad gaarsiinta Deegaananada lagala wareegay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab oo muddo ka baadan 10 sano ah arag waxtarka Dowladnimada, waxayna dowladdu isku daba wadaa qeybta dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka iyo qeyb kale oo lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga u ah Bulshada ku dhaqan deegaannada laga dul qaaday Kooxda arxanka daran, adeegyadaasi oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka, Waxbarashada, amniga iyo adeegyada kale ee loo baahaan yahay, waxaana marqaati ah sida Degmooyinka Qadiimiga ah ee kala ah Aaden Yabaal iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Shabeelada dhexe iyo Galmudug loo gaarsiiyay adeegyo sida maacaawinooyin iyo in la galiyay Layrarka ku shaqeeya Ileyska Qoraxda oo ay uga baxeen Mugdii iyo cabsidii ay ku jireen muddooyin badan, islamarkaana waxaa ka socda dib dhisyo dhinacyo badan.

Dadaalka Dowladda waxaa kaloo ka mid ah in Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo ku jooga dalka Norway, ayaa  ka qeyb galay mid ka mid ah fadhiyada “Madasha Oslo” taas oo lagu falanqeeyey “Wejiga Soomaaliya ee dedaallada dib u xorreynta kadib”, isagoo ku dheeraaday dib u xorreynta dalka, howlaha xasilinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talo galay deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa la qaban doono dhowaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa ka mid ah wufuud caalami ah oo  qeyb ka ah “Madasha Norway” taasi oo tirsigeeda 20-aad xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta.

Wararka naga soo gaaray magaalada Oslo ee Dalka Norway ayaa sheegaya in kulaasi diiradda lagu saaray kooxaha argagixisada, degaanada laga xoreeyay sidii Qorshe dib u soo nooleyn kara adeegyada asaasiga ah iyo habka ugu haboon oo loo wacyi gelin karo in afkaarta khaldan ee muddada kooxdu ku shubeysay Dadka Degaanka.

Kulankaan oo loogu magac daray “Madasha Oslo” waxaa warbixin guud looga dhageystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ka xog-warramay xaaladda degaannada ay la wareegtay Dowladda iyo sidii looga hirgelin lahaa tiro Mashruucyo ah oo ay ka mid yihiin dib u dhiska Xarumaha Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Amniga.

Intaa waxaa dheer in Ciidanka Xoogga Dalka ay ka mid yihiin kuwa aqoon dheer u leh Diinta Islaamka, kuwaasi oo wacyigaliya Ciidanka iyo Bulshada ku dhaqan Deegaannada dib loo xoreeyay argagaxisada Alshabaab, maadaama ay ku jiraan Jihaad, iyagoo faraayana waxyaabaha looga baahan yahay iyo kuwa ka xaaraameysan Ciidanka Dagaalka kula jira Khawaarijta.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya

Muqdisho.(SONNA)...Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden…

Gudaha
January 7, 2023

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxiixayay Miisaaniyadda sanadka 2024

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kaqeybgalay munaasabad uu…

GudahaWararka
December 25, 2023

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho(SONNA):-Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha…

GudahaWararka
May 5, 2025

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca Ireland “SAWIRRO”

Muqdisho…SONNA…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka…

GudahaWararka
July 22, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023