Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in shil diyaaradeed oo nooceedu yahay Helikobtar uu ka dhacay waqooyi bari Suuriya,halkaasi oo ay ku ย dhaawacmeen 22 askari oo Mareykan ah.
Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay shilka Axadii ka dhacay waqooyi bari Suuriya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.
Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Suuriya tan iyo sanadkii 2015-kii ayaa la kulmayay weeraro goos goos ah oo kaga imaanaya kooxaga Daacish iyo kooxaha ay Iran taageerto ee ka howlgala dalkaasi Suuriya.
Ugu yaraan 900 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan dalka Suuriya, iyadoo ay weheliyaan tiro aan la shaacin oo qandaraasleyaal milateri ah oo Maraykan ah, kuwaas oo qayb ka ah hawlgallada lagu caawinayo xoogagga Dimuqraadiga ah ee Kurdiyiinta Suuriya.
Illaa hadda ma cadda waxa sababay shilka diyaaraddaasi in ay tahay rasaas lagu riday ama wax kale.