Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Maxaad kala socotaa Madaxweynayaashii Maraykanka ee aan imaanin caleema saarka Madaxwaynayaashii bedelayay?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Maxaad kala socotaa Madaxweynayaashii Maraykanka ee aan imaanin caleema saarka Madaxwaynayaashii bedelayay?
CaalamkaWararka

Maxaad kala socotaa Madaxweynayaashii Maraykanka ee aan imaanin caleema saarka Madaxwaynayaashii bedelayay?

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 20, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Madaxwaynaha Maraykanka ee xilka ka sii degaya Donald Trump ayaa hore u sheegay inuusan ka soo qayb geli doonin xafladdda caleema saarka Madaxwaynaha la doortay ee Joe Biden.

Go’aanka Trump uu qaatay laguma arag Maraykanka 152 sano, Madaxwaynayaashii xilkooda dhamaadayna waxay kasoo qayb geli jireen caleema saarka Madaxwaynaha cusub.

Hadaba kumee ahaayeen Madaxwaynayaashii Maraykanka ee aan soo xaadirin caleema saarka kuwa bedelayay?

John Adams: waa Madaxweynihii ugu horreeyay ee qaata go’aan ah inuusan tegin xafladda caleemo saarkii Madaxwaynihii ku xigay ee Thomas Jefferson.

In kasta oo Adams iyo Jefferson ahaayeen saaxiibo isku wanaagsan, haddana siyaasadda ayaa kala fogeysay kana dhigtay rag cadaw isku ah.

Adams ayaa ka tegay Washington habeenkii ka horeeyay maalinta caleema saarka si uusan uga qayb gelin caleemo saarkii saaxiibkiis hore oo dhacayay Maarso 4, 1801.

John Quincy Adams: waxaa la yaab leh in Madaxwaynihii labaad ee diida inuu ka qayb galo xafladda caleema saarka Madaxwaynanimo uu noqdo John Quincy Adams oo raacay waddadii aabihiis, isagoo diiday inuu ka qayb galo xafladda caleemo saarka Andrew Jackson.

Martin Van Buren: Bishii Maarso 4, 1841 Martin Van Buren ma uusan soo xaadirin xafladii caleemo saarkii William Henry Harrison ilaa iyo hadana lama oga sababta keentay inuu qaato go’aankaas.

Martin Van Buren ayaa sidoo kale soo noqday Madaxwayne ku xigeenka iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Andrew Johnson: Andrew Johnson oo caan ku ahaa midab takoorka isna ma imaanin caleema saarkii  Ulysses S. Grant.

Andrew Johnson waxa uu ahaa Madaxwaynihii 17-aad ee dalka Marayaknka, wuxuuna xilka hayay sanadihii 1865 ilaa 1869.

Johnson waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah Madaxwaynayaashii ugu xumaa ee soo maray dalka Maraykanaka, waxaana lagu eedeyay inuusan ilaalin sharciyada dalka u yaalay.

Johnson iyo xildhibaanada baarlamaanka waxaa dhax maray dagaalo siyaasadeed oo badan kadib markii ay isku dayeen inay xilka ka xayuubiyaan.

Madaxwaynaha hadda xilka kasii degaya Trump ee looga guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacday ayaa go’aansaday inuu maro waddaddii ay mareen dhowr kaas Madaxwayne ee aan imaanin caleema saarka madaxtinimo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga Qaran ee taageerada dagaalka Khawaarijta oo booqday isbitaalada caasimadda

Muqdisho (SONNA):  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, anha Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee…

GudahaWararka
April 9, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha Danjirenimo ka guddoomay Safiirada dalalka Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia  

Muqdisho (SONNA) Wasiirka arrimaha dibadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta Nuqul ka mid ah waraaqaha Danjirenimo…

GudahaWararka
January 14, 2023

Al-shabab oo xoog looga soo furtay Dr Silvia Constanca mudo dheer Afduub loogu heeystay koofurta Soomaaliya

Muqdisho:(SONNA)- Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, ayaa ku laabatay magaalada Roma, kadib markii laga sii daysay…

Wararka
May 11, 2020

Warsaxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Itoobiya

Addis-Abbaba(SONNA):-Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa si diirran usoo dhaweeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo…

GudahaWararka
January 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023