Muqdiaho(SONNA):-Shirweynaha Xakameynta Faafinta Wararka Been Abuurka iyo Saameynta Bulshada ay ku leeyihiin oo galay Maalinkii labaad ayaa ka.soconay magaalada muqdisho,iyadoo shirka maanta ay ku biireen xubnno cusub oo uu kamid yahay xeer ilaaliyah guud ee Qaranka iyo mas’uuliyiin kale,iyadoo maanta dhinacyadu ugu doodeen sida looga hortagi Karo wararka Been Abuurka ah iyo dhibaatada ay ku leeyihin dalka iyo daka Soomaaliyeed.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in sameeyn weyn ay ku leeyihiin wararka Been Abuurka Bulshada,wariyayaasha markii laga tagana ay sidoo kale jiraan shaqsiyaad aan wariyaba ahayn oo waxa ay doonaan Baraha bulshada isaga qoro taa oo ka dhalatay dhibaatooyin kala duwan,waxa uu intaa ku daray in ay muhiim tahay in leysku dheeli tiro xogaha iyo wararka Bulshada loo gudbinayo ka hor inta aan Bulshada lala wadaagin.
“in la isku dheeli tiro wararka loo gubinayo Bulshada muhiimad gaar ah ayey leedahay dadka iyo dalka”ayuu yiri xeer ilaaliyaha Qaranka
Sidoo kale wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Cabdirahmaan sheekh Yuusuf Al-Cadaala oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowlada ay ka go’antahay sidii wax looga qaban lahaa waraka Been Abuurka ee dhibaatada ku ah Qaranimada iyo shacabka Soomaaliyeed intaba,waxa uu intaa raaciyay wasiir kuxigeenka in Arigtada xubnaha shirka ka qeybgalayo ay muhiim tahay lana uruurin doono talooyinka dhinacyada shirka ka qeybgalayo si loogu daro sahanka loogu jiro sidii loo xakameyn lahaa waraka Been Abuurka ah
“Waxaan dooneynaa inaan ka dowlad ahaan wajahno sidii looga hortagi lagaa wararka been abuurka ah anagoo kaashaneyna Bulshada”ayuu yiri Wasiir Alcadaala”
Shirka oo ay muhiimadiisu tahay in la helo aragtiyo mideeysan oo si wadajir ah dowlad iyo shacab oo loogu wajihi karo joojinta wararka Been Abuurka oo dhibaata xooggan ku haya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Shirka ayaa sidoo kale xubnaha maanta ka qeybgalay waxaa kamid ah Afhayeenka Ciidanka Boliika,Culuma’udiinka Soomaaliyeed oo dhankooda dul istaagay sida ay diinteena islmaaka u mamnuucday in Bulshada loo gudbiyo warar Been Abuur ah oo sameeyn Taban ku yeelan karo dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed.