Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hadal jeedinta madaxweynaha ee furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Hadal jeedinta madaxweynaha ee furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka
Wararka

Hadal jeedinta madaxweynaha ee furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 29, 2023
14 Min Read
Share

1. Guddoonka labada gole ee BFS;

2. Raโ€™iisul Wasaaraha XFS

3. Xildhibaanada labada gole ee BFS;

4. Mudanayaal iyo marwooyin.

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu;

Ugu horreyn, waxaan u mahadcelinayaa ALLE SWT ee inoogu nimceeyay in si nabad ah isugu nimaanno goobtaan si aan u gudano waajib ka mid ah waajibaadyada ay shacabkeena inoo xilsaaray.

Marka xigta, waxaan doonayaa in aan si rasmi ah hortiina idin kugu boggaadiyo xilgudashadiinii xeerdejineed ee Kal-fadhigii 2aad kaasi oo aad ku ansixiseen kow iyo toban sharci oo muhiim u ah fulinta danaha Qaranka sida adkaynta amniga, korriinka dhaqaalaha iyo soo celinta iyo hagaajinta adeegyada asaasiga u ah shacabkeena oo uu ugu horreeyo aqoonsiga Qaranka. Sidoo kale, waxaan idinku boggaadinayaa dhisidda Guddiga Barlamaaniga ah ee u xilsaaran dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka iyo ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo dhaqangelinta Dastuurka kuwaas oo hormuud u ah dedaalka dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka.

Hadaljeedintayda furidda Kal-fadhiga 3aad waxaan ku dul-istaagayaa arrimo ay ugu muhiimsan yihiin: amniga; qaabaynta nidaamkeena siyaasadeed iyo dhammaystirka arrimaha masiiriga u ah Qaran-dhiskeena iyo horumarrada laga sameeyay dhaqaalaha iyo kobcintiisa.

1. AMNIGA:

Markii xilka dalka la ii doortay bishi May 2022, amniga dalka waxaa uu ku sugnaa xaalad aad u murugsan. Waxaan la kowsannay oo aan dhaxalnay ciidan si weyn u kala qaybsan oo faraha kula jira siyaasadda. Waxaan durbadiiba qaadannay tilaabooyin dhiig-joojin ah iyo kuwa ku saleysan istraatiijiyada mustaqbalka dhow iyo midka fogba.

Maanta oo aan xilka hayno muddo sannad ah, waxaan ku guuleysannay inaan xaalad middi hore aad uga wanaagsan oo lagu faani karo suurtagelinno. Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda.

Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah. Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyaalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Khawaarijta Al-shabaab. Goor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii ALLE oggolaado.

Khawaarijta Al-shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka goโ€™an in la ciribtiro Al-shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qaybqaato.

Annagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay culumaaโ€™udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-shabaab. Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh.

Waxaan rabaa in aan labada gole ee Barlamaankeena sharafta leh hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Al-shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara. Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-shabaab.

Haddii aan intaasi uga gudbo dedaalkeena ku aaddan ciribtirka Khawaarijta, waxaan doonayaa in aan idin la wadaago shaqada baaxadda leh ee ka qabsoontay sugidda amniga Caasimadda oo isbeddel badan laga dareemayo. Isbeddelkaas wuxuu ku yimid dib u habeyn iyo dib u eegis lagu sameeyay hayโ€™addaha amniga ee caasimada ka howlgala iyo wadashaqayntooda. Waxaan sidoo kale la kordhiyay tirada ciidanka ee sugayo amniga caasimada kuwaas oo qaatay tababbar ciidan oo aad u sarreeya lehna anshax wanaagsan oo ay kula dhaqmaan shacabka ay ilaalinayaan sharaftooda iyo badqabkooda.

Sidoo kale, dhismaha iyo tayeynta ciidamada ayaan sii labo jibaarnay waxaana inoo suurtagashay in qaar kamid ah saaxiibada caalamka ay inaga saacideen tabobarka kumanaan ciidan ah oo la wareegi doono sugidda amniga iyo kala dambeynta dalka. Ciidamada cusub ee aan tababarnay mudada aan xafiiska joognay waa dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo xulay dhammaan deegaanada dalka, waxeyna dhabbo cusub u jeexi doonaan soo celinta sharafka iyo karaamada dalkeena.

2. DHAMMAYSTIRKA HOWLAHA MASIIRIGA U AH QARAN-DHISKEENA

Mudanayaal iyo Marwooyin, sida aad ogtihiinba, tan iyo markii la ii doortay xilka Madaxweynaha JFS waxaan guddoomiyay lix kulan oo Golaha Wadatashiga Qaran oo ah madal lagu gorfeeyo heshiis-siyaasadeedna looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee Qarankeena horyaalla oo ugu horreeyaan federaalaynta dalka iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada dalka iyo dadkaba.

Mahad haka gaartee ALLE SWT, kulamaddii u qabsoomay Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa ka soo baxay heshiisyo siyaasadeed oo tobankii sano ee la soo dhaafay horay loo dhaqaajin waayay. Waxaa heshiis siyaasadeed laga gaaray arrimaha ay ka mid yihiin:

1. Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Astaynta awoodaha hayโ€™adaha dowladda ee heerarka kala duwan.

3. Federaalaynta nidaamka garsoorka dalka.

4. Federaalaynta aarimaha maaliyadda.

5. Qaabaynta amniga Qaranka.

Heshiisyadaan waa kuwo siyaasadeed oo ay dhici karto, mararaka qaar, in Golaha Wadatashiga Qaranka ku kala aragti duwanaa. Hase yeeshee, Waxaanan la isku diidanayn oo aan la isku colaadinayn in qof ama hayโ€™ad ay ka yeelan karto aragti gaar u ah. Hase yeeshe, waxaa muhiim ah in aragtidaasi noqon dabar ku xiran dhammeystirka howlaha masiiriga ah ee dowlad dhiska gaar ahaan Dastuurka JFS oo aan heshiis kunnahay in la qabyo tiro

Mudanayaal iyo marwooyin;

Sida aad la socotaan, dhismaha jamhuuriyadda 3aad ee ka soo billawday Carta wuxuu jirsaday 23 sano isagoo soo maray duruufo iyo marxalado kala duwan. Muddadaasi 23ka sano ah talada dowladnimadu waxay marba gacanta ugu jirtay siyaasi, oday dhaqameed iyo ergo tiradoodu kooban tahay iyadoo mar kasta ay maqnayd kaalintii ay lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay ahayd in dowladoodu noqoto mid ku timid kuna shaqaysa rabitaankooda. Tani waxay keentay in dowladnimadeenna aan u maareyn weyno sida dadyowga kale ee dunida u maareeyaan dowladnimadooda.

Sidoo kale, Xaaladdaasi waxay sababtay in dowladnimadeenna iyo dadkeenuba noqdaan kuwo ku nool cabsi, argagax, gargaar iyo kaalmo dibadda uga timaada iyadoo dalkeenu lagu sheego inuu yahay dal hodan ah oo ALLE SWT ku mannaystay khayraad kala duwan.

Si arrimahaasi aan soo sheegay looga gudbo, waxaan u baahannahay in aan dib isu qiimayno oo aan guddoonsanno talo aan uga baxno hubanti laโ€™aanta ku hareeraysan guud ahaan mustaqbalkeenna gaar ahaan dowladnimaadeena isla markaasna aan gaarsiinno in dadkeenu ka baxaan gacan hoorsiga iyo faqriga una dhaqaaqaan dhinaca horumarka, isku filnaanshaha iyo hodantinimada kuwaas oo ku imaan kara in dalkeenna u helno maalgelin gudaha iyo mid dibedda ahba kuwaas oo ku xiran in dowladnimadeenu tahay mid ku dhisan talada dadkeeda iyo sarraynta sharciga.

Sidaaa daraaddeed, Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) wuxuu gaaray goโ€™aanno siyaasadeed oo billow wanaagsan u ah talo u dhaxaysa dadkoo dhan. Golaha Wadatashiga Qaranku wuxuu ku heshiiyay in la dhiso dowlad sharciyad leh, ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo qaadi karta himiladooda.

Goluhu wuxuu isku raacay in talada loo celiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed oo la siiyo fursad ay ku doortaan cidda ay ku aamminayaan dowladnimada ha noqoto heerka dowladaha hoose oo ay ka mid yihiin deegaannaddii laga xorreeyay ama, haddii Alla idmo, laga xoreyn doono khawaarijta Al-shabaab ee heerarka dowladaha hoose, DXDF ama golayaasha Dowladda Federaalka. Sidoo kale, Goluhu wuxuu isku raacay in jaanta isla helaan heerarka dowladeed ee aan kor ku soo sheegay. Intaa waxaa dheer in Goluhu ku talinayo in nidaamka xukun-hoggaamineed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya noqdo madaxtooyo oo gacan ka gaysan kara in isqabqabsiga siyaasadeed ee horay loo soo arki jiray looga gudbo.

Mudanayaal iyo marwooyin, Baarlammaanka sharafta leh;

Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ka meyro welwelka, walbahaarka iyo cabsida laga dhex tusiyay heshiisyada siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray. Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo in heshiisyadaani yihiin TALLABTII KOWWAAD EE LOO QAADAY DHANKA SAFAR KUN KM AH,. Heshiisyadaan Waxaa u dhimman talada Shacabka Soomaaliyeed iyo hayโ€™adaha dowliga ah ee matala shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ma jirto cid dadka Soomaaliyeed ku xukumi karta xoog iyo dirqin. Ujeeddada goโ€™aannada Goluhu gaaray ayaa ah in talada siyaasadeed ee dalka dib loogu celiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidaa daraaddeed, waxaan rabaa inaan kula dardaarmo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in HAYAANKA LOOGA GUURAYO FADHIIDNIMADA SIYAASADEED ee DHISMAHA DOWLAD QARAN aan laga RAADIN dano siyaasadeed, balse lagu eego dareen u adeegaya dadaalkeena wadajirka ah ee an dib ugu yegleelayno dhismaha dowlad qaran ee si dhab ah u hanaqaadda.

Ugu dambayn, waxaan ka codsanayaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in inta uu ku gudajiro Kal-fadhigiisa 3aad siiyo mudnaanta ugu sarraysa iskuna howlo dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka isagoo ku salaynaya heshiisyada siyaasadeed ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, si fursad loo siiyo muwaadin kasta oo doonaya inuu taladiisa ku kordhiyo dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo sidoo kale hortabin siinta sharciyada kale ee muhiimka u ah xoojinta qeybaha kala duwan ee horumarinta dowlad dhisidda sida sharciga XAFIISKA HANTI-DHOWRAHA GUUD EE DOWLADDA

3. DHAQAALAHA

Mudanayaal iyo marwooyin;

Haddii aan u soo noqdo Dhinaca dhaqaalaha waxaa howl wanaagsan laga qabtay dhammaystirka daynt-cafinta dalkeena oo fure u noqon doonta in aan awood u yeelano kobcinta dhaqaalaheena sida fududeynta maalgashiga gudaha iyo kan dibaddaba ee khayraadka kala duwan ee dalkeenu leeyahay oo taniyo markii ALLE SWT nagu manaystay aynaan si waxtar leh uga faaโ€™iidaysan.

Xildhibaannada sharafta lahoow, walaalayaa, Sida aad ogsoon tihiin, arrinka dayn-cafinta waa mid soo socday muddo toban sano ah oo saddax dowladood isaga kala dambeeyeen. Waxaan boggaadinayaa in geedi-socodka dayn-cafintu uu marwaliba ahaa mid ka caaggan siyaasad oo labada heer xukuumadeed oo Jamhuuriyadda ay si wadajir uga shaqaynayeen in nagala cafiyo daynta.

Arrinkaasi wuxuu suurageliyay in aan buuxinno sideetan boqolkiiba (80%) shuruudihii ku xirnaa dayn-cafinta, waxaana filaynaa in dabayaaqada sannadkaan, 2023, nalaga cafiyo deynta kaddib 10 sanno oo aan ku soo jirnay geeddi-socodka deyn cafinta.

Si la mid ah arrinka la dagaalanka Khawaarijta iyo adkaynta amniga dalka, waxaan rabaa in halkaan ka caddeeyo in dayn-cafintu tahay mid uu shacabkeennu ku dheefsan doonaan Ilaahey idinkiis. Sidaa daraaddeed, dayn-cafintu waa in ay noqotaa mid ka caaggan siyaasad oo aan lagu tolin rabitaannada siyaasadeed ee kala duwan ee siyaasiyiinta dhex oolli kara. Si kale haddii aan u dhigo, dayn-cafintu siyaasadayn ma geli karto.

Mudanayaal iyo marwooyin;

Waxaan doonayaa inaan boggaadiyo dedaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya billowday ee ku abbaaran la-dagaalanka musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha. Marna loo dulqaadan maayo in shillinka laga soo qaado wadaha bajaajta, gobadha jidka hareertiisa ku gadda shaahiga, ganacsadaha kale iyo qof kasta oo magaca dowladnimo looga qaado xoolo in qof ku dheefsado oo guryo iyo hanti ka sameeysto. Waxaa naga goโ€™an in cid kasta oo xadda xoolaha dadweynaha la marsiiyo waxa uu sharcigu ka qabo oo aanan la isugu aabbayeelin. Fariintayda ayaa ah โ€œ Xoolaha dadweynaha hala nabadgeliyo.โ€

Ugu dambayn, waxaan hadaljeedintayda ku soo gunnaanadayaa si waafaqsan qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in Kal-fadhiga 3aad ee Barlamaanka FS uu inoo furan yahay.

 

WA BILLAAHI TOWFIIQ

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka hawlaha guud oo Marooko uga qaybgalay shir caalami ah

Rabat (SONNA): Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta dowladda FS Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wafdi uu…

GudahaWararka
February 18, 2025

Khudbadda Madaweynaha JFS ee ku aadan Xuska Maalinta Midowga Europe

Khudbadda Madaweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay u qorneyd sidatanโ€- Waxa aan filayaa in aad dhamaantiin wanaagsan tihiin, maadaama aan…

Gudaha
May 10, 2024

MADAXWEYNAHAย HIRSHABEELLE OO DAAH-FURAY MASHRUUCA DHALLINYARADA IYO NABADDA

Jowhar(SONNA);- Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Xildhibaan Maxamed…

GudahaWararka
February 16, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha JFS mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay danjiraha dowladda Qatar, waxaana ay ka wada hadleen calaaqaadka…

GudahaWararka
January 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023