Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsigeedu yar yahay oo deganaansho siyaasadeed leh ayaa u baahan nahay,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsigeedu yar yahay oo deganaansho siyaasadeed leh ayaa u baahan nahay,”
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsigeedu yar yahay oo deganaansho siyaasadeed leh ayaa u baahan nahay,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 29, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho. (SONNA):- Ka dib, bayaankii wadajirka ahaa ee ka soo baxay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee heshiiska rasmiga ah kaga gaaray arrimaha amniga, doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda dalka iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore ay u gaareen xubnaha golaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay hareer joogaan xubnaha kale ee golaha Wadatashiga Qaran oo shir jiraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay heshiisyada goluhu ay gaaraan iyo waxyaabihii dhaliyay.

Madaxweynaha oo hadalkiisa ka bilaabay ka hadlidda iyo ka taariikheynta halgankii iyo dadaalkii dheeraa ee loo soo galay Dowlad dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka ayaa tilmaamay in la soo gaaray bar-dhammaad ay adag tahay in lagu sii socdo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in lagama-maarmaan ay tahay in tallada shacabka lagu celiyo.

” Wuxuu dalku u baahan yahay dib-u-dhis, maalgelin iyo inuu soo kabto dhammaantii, intaas oo dhan waxaa shuruud u ah dalku inuu leeyahay Dowlad sal-ballaaran oo sharciyad ballaaran leh, dadka Soomaaliyeedna si dhab ah u matasha,matelaad duruufo ay keentay waa soo haysan jirnay, walina waa haysanaa, laakiin markan inaan ka sii ballaarino oo matelaad ku saleysan codka shacabka iyo go’aanka shacabka Dowladnimadeennu in ay ku saleysnaato,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Sidoo kale, madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Dalka haddii aan xoreyno, waxa ugu horeeyo uu u baahan yahay waa nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan, inta badan dalka oo nimanka Khawaarijta ah ku habsadeen ku fadhiyeen muddada 15ka sano ah maanta inta laga kiciyay iyo inta dhiman ee laga kicin doonaba waxay u baahan yihiin Dowladnimo iyo xukun in la gaarsiiyo”,.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaargarow-baan doorashadaas qof iyo codka ah, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan furneyn waddo kale oo ah in tallada lagu celiyo shacabka.

” Waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed walaalayaal meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay cabsida aan yareyno, shakiga aan ka baxno, 30-sano ka dib, Qof Soomaaliya xoog ku haysan karto malahan, nin isaga shaatigiisa toshay oo iska joogi karo malahan sheekadaas waa soo dhammaatay, dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsiggeedu yar yahay oo degganaasho siyaasiyaadeed leh ayaa u baahan mahay, dalkan siyaasad qariban tahay ayuu 30-sano meeshan u joogaa,”.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadu, qodobada kale ee uu ka hadlay waxaa ka mid ah, dadaalka Dowladdu ay waddo ee Barnaamijka Deyn cafinta oo uu tilmaamay inuu gaba-gabo marayo, ahmiyadda Barnaamijkan ayuu madaxweynihu si weyn u faah faahiyay.

” Dalka Deyn cafinta, lacag dhowr bilyan oo Dollar oo Soomaaliya muddo dheer lagu lahaa ayaa laga cafinayaa laga tirayaa, Soomaaliya waxay u yeelaneysaa fursad in ay caalamka la macaamiisho, in ay deyn kale, qaadan karto, in ay dad ajaaniib ah iyo maalgashi toos ah waxa Afka qalaad lagu yiraahdo ( Direct Foreign Investment) in ay heli karto, dadka Soomaaliyeed in ay iyagu dalkooda maalgashan karaan, dadka Ajanabiga ee saaxiibada ah in ay dalka yimaadaan maalgashan karaan, waxay u baahan tahay si dalka loo maalgeliyo Dowlad sharciyad ballaaran dadka ka haysata oo dimuqraadi ah oo codka dadka ku timid,”.

Madaxda heer federaal iyo heer Dowlad gobolleed ee ku mideysan golaha wadatashiga qaran oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay heshiis ugu gaareen arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore goluhu u gaaray.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed oo doortay hoggaan cusub

Muqdisho, (SONNA): Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto) u doortay Guddoomiyaha golaha, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.…

GudahaWararka
December 12, 2024

Wasiirka Shaqada oo tababar u soo xiray arday Soomaaliyeed oo ku nool dalka Uganda

Kampala (SONNA) - Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo tababar u soo xiray arday…

Wararka
February 11, 2020

Wasiirka amniga gudaha oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Serbia

Glashow (SONNA): Wasiirka amniga gudaha dowladda FS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Kulan muhiim ah oo ku saabsan xoojinta…

GudahaWararka
November 5, 2024

Wasaaradda qorsheynta XFS oo fartay hey’adaha gargaarka ee mashaariicda ka fuliya dalka inay si buuxda ugu soo wada guuran

MUQDISHO-(SONNA)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  ee Xukuumadda federaalka ayaa ayaa fartay hey’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka…

GudahaWararka
January 30, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023