Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Wasiirka caafimaadka oo shir caalami ah uga qaybgalaya Switzerland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka caafimaadka oo shir caalami ah uga qaybgalaya Switzerland
GudahaWararka

Wasiirka caafimaadka oo shir caalami ah uga qaybgalaya Switzerland

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 24, 2023
2 Min Read
Share

Geneva (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Xaaji Aadan ayaa ka qayb galay munaasabad heer keedu sareeyo oo uu soo agaasimay Bangiga Aduunka (World Bank) kaas oo looga hadlayey ka hortagga cudurada faafa, kaas oo lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Mashruuca ka hortagga cudurada faafa ee Pandemic Fund waa mashruuc muhiim, kaas oo xoojiya ka-hortagga masiibooyinka, u diyaargarowga iyo awoodaha wax ka qabashada ee heer Qaran, heer gobol iyo heer caalami, iyadoo diiradda la saarayo wadamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galey madaxda caafimaadka dalalka caalamka, waxaana hadal ka jeediyey qaar ka mid ah wasiirada caafmaadka dalalka sida USA, Italy, Argentin, Filibin, Pakistan, iyo dalal kaloo badan kuwaas oo si wadajir ah uga hadlay ka hortagga Cudurada Faafa oo dunida fara ba’an ku haya.

Wasiirka Caafimaadka Mareykanka ayaa sheegay in wadankiisa uu maalgelin doono ka hortagga cudurada faafa si bulshada dunida oo dhan ay u hellaan caafimaad dhamaystiran iyadoo laga le eegayo caqabadihii lagala kulmay tallaabooyinkii horey loo qaadey ee looga hortagaayey Cudurada faafa ee ka dillaacay dunida.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden ayaa shirka ka jeediyey warbixin ku saabsan sida Soomaaliya ula falgashey ka hortagga Caabuqa COVID-19 oo dunidoo dhanba saamayn xoogle ku yeeshey.

Wasiirka ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyey sida Dowladda Soomaaliya ula tacaashey COVID-19 iyo sidoo kale goobhii loogu talagaley in looga hortago Caabuqaasi sida dhowr xarumood oo laga hirgeliyey guud ahaan dalka iyo shaybaarka Qaranka oo loo tayeeyey si heer sare ah taas oo wax badan ka taridoonta ka hortagga cudur kasta oo safmar ah.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay wax la qeybsato Wasaaradaha Caafimaadka ee dalalka kale ee dunida si loo hello Caafimaad tayo leh oo muwaadinka Soomaaliyeed ku gaaro goobta uu joogo iyo halka uu degan yahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir uga qayb galay Sucuudiga

Riyaad(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay shirka wasiirrada ee loogu diyaar garoobayo Shir Madaxeedka Caalamiga ah…

GudahaWararka
November 10, 2024

Ciidamada Ammaanka oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay saanad ciidan

Muqdisho (SONNA):-Howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ka fuliyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayay ku soo qabteen Qaraxyo, Gaadiid iyo…

GudahaWararka
May 25, 2023

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo daah-furay shirka Baahinta qorshaha Istaraatiijiyada 3-aad ee Xafiiska Difaaca xuquuqda Aadanaha  “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Daah-furka baahinta qorshaha istaraatiijiyada Saddexaad ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland waxaa kaloo ka soo qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad…

GudahaWararka
June 23, 2021

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Bariire

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka dhulka ee XDS Gen Dayax cabdi cabdulle, madaxa hoggaanka howl gelinta ee CXD g/dhexe Cali Aaden,Taliyaha guutada 14…

GudahaWararka
March 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023