Muqdisho-(SONNA)-Kulan howleed dhexmaray qaar ka mid ah gabdhaha Barlamanka Federalka Soomaaliya labadiisa gole iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howl gala dalkeena ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay,addaha UN-ka iyo haweenka labada gole ee Barlamanka JFS iyo sidii barnaamijyo lagu hormariyo dumarka loo qaban lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.
Kulanka oo ay hoggaaminaysay ku simaha Ergeyga QM Soomaaliya Anita Kick ayaa waxaa sidoo kale la iskula meel dhigay in la qabto isku imaad u dhaxeeya dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan si loo dhameystiro baahiyaha adeegga gabdhaha Baarlamanka JFS ay u baahan yihiin .