Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Saanad ciidan oo lagu wax yeeleyn lahaa amniga muwaadiniinta oo la qabtay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Saanad ciidan oo lagu wax yeeleyn lahaa amniga muwaadiniinta oo la qabtay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Saanad ciidan oo lagu wax yeeleyn lahaa amniga muwaadiniinta oo la qabtay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 23, 2023
6 Min Read
Share

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaanahaanba soo saareysay sharciyo lagu sugaayo Ammaanka Dalka iyo xasiloonida Caasimadda Dalka ee Muqdisho, kuwaasi oo dhammaantood u muuqday inay dhaqangaleen, waxaana ka mid ah sharciga nuxurka xakameynta Hubka, kaasi oo qeyb weyn ka qaatay ammaanka iyo xasiloonida Magaalada Muqdisho,iyadoo ay aad u mahdiyeen shucuubta ku nool Caasimadda Dalka ee Muqdisho, waxaana bar-bar socda nidaanka kale oo lagu xakameynayo qul-qulka Hubka sharci-darrada ah.

Hubka sharci darrada ah intii uu dalka ku soo qul-qulaayay hub fara badan kaasi oo waxyeello baahsan loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxaba galabsan, sidaasi awgeed Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afrika ayaa dhawaan soo bandhigtay tirakoobka dadka ku dhintay weerarada kooxaha Argagixisada oo ay ka geysteen Soomaaliya Sanadihii 2021-kii iyo 2022-kii, Xaruntaan ayaa Warbixinteeda sal uga dhigtay daraasad iyo uruurin Macluumaadka la xiriira falalka Kooxda Argagaxisada ah ee Shababka, waxayna Africa Center for Strategic Studies ay sheegtay in sanadkii hore ee 2022-kii ay kooxda Argagixisada Shabaabka weeraro ay geysteen ay ku naf waayeen 2,606 Qof, walow ay ka badneyd tirada dadka kooxdaasi ay nolosha dhaafisay sanadkii ka sii horeeyay ee 2021 oo eheyd 6,225 Qof.

Sanadkaan ee 2023-ka ee loo dhaw yahay bartamihiisa aad bay u yar yihiin weerarada kooxda marka loo eego sanadihii hore, waxaana taasi ugu wacan culeyska kooxda la saaray, maadaama duulaan culus oo kooxdan lagu qaaday looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaala degaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Mako Maxamuud Muuse oo dhawaan loo magacaabay la taliysha Madaxweynaha ee qulqulks hubka sharci darrada ah ayaa waxaa jirta in Saanad Ciidan iyo Ganacsatadii keentay la qabto, iyadoo ay Sirdoonka Qaranka ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan  Qalab aad u badan oo ay lahayd Khawaarijta, kaasi oo ahaa Saanad kala duwan oo ay doonayeen in ay u adeegsadaan Weerarada ka dhanka ah Masuuliyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed. Sirdoonka Qaranku, wuxuu sidoo kale ee uu soo xir xiray Shabakad ballaaran oo ka koobnayd Toban Qof,  kuwaasi oo ahaa kuwii qaabilsanaa kala gudbinta iyo sidoo kale Gaadiidkii la doonayay in lagu qaado Sanaaddaan Khawaarijtu laheyd.

Hawlgalka lagu fashiliyay wuxuu ahaa Mid aad loo agaasimay oo tixnaa ilaa halkii laga soo iibiyay, halka loo waday, meelaha laga kala gudbinayay iyo cid kasta oo ku lug lahayd, waxaana lagu soo kala qabtay dekedda weyn ee Magalada Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalada Muaqdisho iyo Koonteenar kale oo isna lagu soo qabtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Tani waxa ay muujinaysaa in hadda ay Hay’adaha Amnigu si wanaagsan gudaha ugu galeen xayndaabka Khawaarijta,  isla markaana awood u yeesheen in ay dhex galaan kana gutaan waajibaadkooda, waxaana Shaki la’aan talaabadaan waxay badbaadisay Nolosha Dad aad u fara badan, sidoo kale waxeey fashilisay Dhagar sare iyo halis wayn oo ku wajahnayd Bulshadeenna iyo mas’uuliyiinteenna, waxaa kale oo  xusid mudan in kuwa ku lugta lahaa fal danbiyeedkaan ay ahaayeen Ganacsato haysatay Shatiyo Sharci ah,  balse isku dayay in ay ugu adeegaan Khawaarijta, taasi oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan la nimaadno feejignaan dheeri ah.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan yuusuf Cadaala oo ka hadlaayay arintaasi aya yiri, “ Marka hore Mahad oo dhan Allaah ayaa iska leh, marka labaadna Sirdoonka Qaranka iyo cid kasta oo gacan ku siisay waajib gudashadaan wayn, oo suurtogalisay in lagu guuleysto in la qabto sanaad intaasi la eg oo la doomayaya in la dhibaateeyo Dadkeenna”

“Shacabkeenna Sharafta badanoow, waad aragtaan jabka iyo liidashada dhinac kasta ka haysta Khawaarijta, sidaas awgeed waxaa la joogaa waqtigii aan dhamaanteen u bareeri laheyn, kuna dhiiran lahayn in aan toos u wajahno Khawaarijta iyo cid kasta oo xiriir la leh, kana suulin laheyn Dalkeenna” ayuu yiri Wasiir ku xigeenku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goor sii horreysay ka hadlay qul-qulka Hubka sharci darrada ah, isagoo xusay in ay jiraan Ganacsato Soomaaliyeed oo ku guda jirta keenista qalabka iyo Saanadda Ciidan, isagoo caddeeyay inay mamnuuc tahay in la keeno dalka qalabka Militari nooc kasta ha ahaadeene, una soo jeediayay inay ka waantoobaan, hadii kale sharciga lala tiigsan doono.

Waxaa la yaab noqotay in Dekeddi Dalka laga soo dajiyo waxyaabo u adeegaaya Khawaarijta, mana loo dulqaadan karo inay taasi mar kale ka dhacdo, Haddaba dadweynaha Soomaaliyeed waxay ka dhur sugaynaa in cadaaladda la marsiiyo Ganacsatadii ku dhiiratay inay qalabkaasi Militari keenaan Dalka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay falkaasi amniga lagu waxyeeleynayay, islamarkaana shacriga la marsiiyo, Maxkameydntoodana ay ahaato mid daah furan oo lagala wada socdo qalasbka Warbaahinta Dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xabad joojin hor dhac ah oo laga gaaray Colaadii Saaxo Maygaag “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Xabad joojin hor dhac ah ayaa laga gaaray Colaaddii deegaanka Saaxa Maygaag oo ay ku dagaalamaeen Beelo walaalo ah…

GudahaWararka
January 6, 2022

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo la kulmay safiirka Mareykanka

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Dhuxulow oo ay wehliyaan agaasime waaxeedyada hay’adda ayaa kulan…

GudahaWararka
January 8, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir : Waa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyo

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),oo ka qeybgalayay kulan lagu taageerayey howlgallada dalka looga…

GudahaWararka
September 3, 2023

Safarka madaxweyne Xasan sheekh ee shirweynaha Iskaashiga Maraykanka iyo Afrika (Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Maraykanka ayaa martigelinya madaxweyneyaasha 50 dal oo Afrika ah shirkan ayaa loogu magac daray Shirweynaha Maraykanka iyo Afrika iyadoo…

GudahaWararka
December 15, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023