Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Boliiska degmada Wadajir oo kaashanayo dadka degaanka ayaa fashiliyay qarax argagixisada ay dhigtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir,kaa oo ay doonayeen in dadka shacabka ah ay ku dhibateeyaan.
Qaraxa oo ahaa miino ayay ciidamada amniga shegeen in la dhigay daaqadda guri ku yaal dagmada Wadajir,waxana qoraal ka soo baxay taliska Boliiska lagu sheegay in laga hortegay qaraxa, isla-markaana si nabad ah loo qarxiyay, isaga oo aan geysan wax khasaare ah.
“Abaaro 09:20am Ciidanka Boliiska degmada Wadajir oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka war helay miino ay khawaarijtu dhigeen guri daaqadiis, waxaana lagu guuleystay in laga hor tago isla markaana si nabad ah lagu qarxiyo ayadoon cidna waxyeelo kasoo gaarin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska.
Sidoo kale Booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan gudaha caasimada, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sugidda amniga degmooyinka gobolka Banaadir.
“Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin gaarsii saldhiga kuugu dhow ama wac numberka gaaban ee 991.” ayaa markale lagu yiri warka Booliska Soomaaliya.
Ciidamada amniga ayaa muqdisho degaanada u dhow kawada howlgallo ka dhan ah falalka liddi ku ah amniga caasimadda oo ay qeyb ka yihiin maandooriyaha oo dhibaata xooggan ku haya dhalinta Soomaaliyeed,iyadoo ay xusid mudantahay in laamaha amniga ay ku guuleysteen sugida amniga magaalada muqdisho