Agaasimaha Tacliinta Sare ee XFS Ismaacil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay qorsheynta sidii waxbarashadooda ay u sii wadan lahaayeen ardayda Soomaaliyeed ee naftooda kala soo baxsaday colaadda ka jirta dalka Suudaan.
Agaasimaha oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa xusay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ay wadaan diiwaangalin ku aadan tirada saxda ah ee ardayda ka soo cararay dagaalada ka jira Suudaan iyo sidii loo sii wadi lahaa dhameystirka waxbarashadooda.
Ismaacil Yuusuf Cismaan,waxa uu tilmaamay in Magaalada Muqdisho ay soo gaareen arday lagu qiyaasay 1270,halka ilaa sadex boqol oo arday ay gaareen gobolada dalka mwuxuuna intaa raaciyay in wasaaradda waxbarashada ay gacan ka geysaneyso meeleynta ardaydaasi.
Guddi uu magacaabay r/wasaaraha dalka ayaa ku howlan wax u qabashada ardayda ka soo cararay Suudaan,iyadoo safaaradda Suudaan ee Soomaaliya lagala tashanaayo xogaha ardayda ee ka diiwaangashan jaamacadaha Suudaan.
Dhinaca kale, Gudoomiyihii Ardayda Suudaan Muqtaar Macow oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u mahadceliyay maamulka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare,isagoo docda kalana sheegay in ay jiraan arday ku xayiran Xaduudaha dalka Suudaan oo garab uga baahan dowladooda.