Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiirka tacliinta sare ee dalkaas
    July 15, 2025
    Wasiirka arrimaha gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo kulan la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka SSC Khaatumo
    July 15, 2025
    Sanad guurada 9-aad ee afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay
    July 15, 2025
    Wasiirka Caddaaladda oo maanta ka qaybgalay daahfurka mashruuc lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha dowladda
    July 15, 2025
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya
    July 15, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo soo jeedisay in la kala diro guddiga ka hortagga Burcad badeedka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo soo jeedisay in la kala diro guddiga ka hortagga Burcad badeedka Soomaaliya
GudahaWararka

Dowladda Soomaaliya oo soo jeedisay in la kala diro guddiga ka hortagga Burcad badeedka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 6, 2020
3 Min Read
Share

New-York-(SONNA)- Dowladda Soomaaliya ayaa golaha Ammaanka Qaramada midoobay u gudbisay qoraal ku saabsan in la kala diro guddiga xiriirka ka hortaga Burcad badeedka Soomaaliya, kadib markii aan saddaxdii sano la soo dhaafay aan dalka laga diiwaan galin kiis afduub ee xeebaha dalka.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baalle oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kala diro guddiga maadaama sedaxdii sano ee la soo dhaafay in xeebaha dalka laga diwaan galin afduub iyo dhacdooyinka, iyadoo sanadkii ugu dambeeyay aan la araga isku day xataa.

“Seddexdii sano ee la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya lagama diiwaan galin kiis afduub Burcad badeed taasi badelkeeda dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa in laga maarmo guddiga, isla markaana loo baahan yahay in dib -u-eegis lagu sameeyo.

Sida qorshahu ahaa dhaqaalaha ku baxa guddiga waxaa ka mid ahaa in gudaha Soomaaliya laga dhiso xabsiyo iyo maxkamado lagu qaado dacwadaha dadka loo soo qabto kiisaska burcad badeeda hase ahaate waxa ay ka dhiseen dalalka Kenya Tanzania iyo Seychelles, waana sababta dowladda soomaaliya ay u doonayso in meesha la taagan yahay laga gudbo ayuu yiri Danjire abuukar Baalle.

Danjiraha Qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baalle waxaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo joojin lahaa kalluumaysiga sharci darrada ah oo Maraakiibta shisheeye ku hayaan gudaha dalka kuwa ku shuba wasaqda iyo sidii ay dowladda Soomaaliyeed awood ugu yeelan lahayd qaadista dacwadaha xeebadaha dalka ay u qaadi lahayd.

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay ka hortaga kalluumeysiga sharcidarada iyo Maraakibta shisheeye ee wasaqda ku shubayo biyaha badeenna iyo sidoo kale inay muujiso awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha dambiyada ka dhacda badda Soomaaliya gaar ahaa burcad badeedda iyo kuwa kale ee sharcidarrada ah.

Danjire Abuukar Baalle waxa uu sheegay in la joojiyay lacagtii lagu bixin jiray guddigaan sadexdii sano ee la soo dhaafay, isla markaana dowladda Soomaaliya ay golaha amaanka Qaramada midoobay ka sugayso in la kala diro taa badalkeedana laga shaqeeya dhismaha ciidamada ilaalada xeebadaha dalka .

“Waxaan ku guulaysanay inaan xayirno dhaqaalihii lagu bixin jiray, waxaana taa badalkeeda doonaynaa inaan dib udhis ku samayno ciidanka illaada xeebaha si aan awoodeenna kor ugu qaadno.

Ugu dambeyntii Danjiraha qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya abuukar Daahir Cismaan Baalle waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ula jeedada ugu horaysa ay tahay in masuuliyadda ilaalinta xeebaha Soomaaliya maadaama ay iyadu xaq u leedahay waajibna ay tahay in la helo ciidanka ilaalada xeebadaha dalka.

hadalkaan ayaa yimid kadib markii uu wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan uu khudbad  ka jeediyay golaha amaanka Qaramada Midoobay oo looga hadlayay cusboonaysiinta hishiiska sanad kasta lagu cusboonaysiiyo howl-galka guddiga .

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiirka tacliinta sare ee dalkaas

Aljeris (SONNA): Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego) ayaa…

July 15, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maalintii Labaad ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika…

GudahaWararka
December 10, 2024

Dagaal maalintii 2-aad dhexmaraya dalalka Azerbajan iyo Armniya

BAKU-(SONNA)-Maalintii Labaad dagaal culus oo u dhexeeya dalalka Azerbaijani iyo Armenia ayaa ka socda gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh…

CaalamkaGudahaWararka
September 28, 2020

Howlgal Qorshaysan oo lagu dilay Horjoogayaal sare oo katirsan khawaarijta 

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xararadheere ayaa xalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas…

GudahaWararka
March 16, 2024

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Muqdisho (SONNA):Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Caasimadda Gambia ee Banjul, halkaas uu kaga…

GudahaWararka
May 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023