Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadam ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood oo mataano ah ku dhashey Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.
Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Hooyada ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, Dr; Fartuun Shariif iyo dhaqaatiirtii sida gaarka ah uga adeegayay Hooyada iyo Carruurteeda.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadan ayaa Hooyo Farxiyo Xuseen Cali ku wareejiyey haddiyad hordhac ah ,wuxuuna ballan qaaday in ay ka warqabi doonaan oo ay si dhow ula socon doonaan xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Carruurteeda.
Yaxye Cabdi Sheekh oo ah Aabbaha mataanaha ayaa ka mahad-celiyay booqahsada Wasiirka Caafimaadka, wuxuuna sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay garab istaagga loo sameeyay iyo in Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya uu ku booqdo Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir oo ah halka ay ku dhasheen afartiisa Gabdhood.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay waajib ka saaran tahay Wasaaraddiisu ilaalinta iyo bedqabka Caafimaad ee Muwaaddinka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan, iyadoo sii laba laabi doonta horumarinta Caafimaadka iyo sidii ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo bilaash ah.